Mucaaradka oo Abaabulaya Kacdoon Shacab xili barakicinta dagaal isku bedeshay
MUQDISHO – Hoggaamiyeyaasha mucaaradka Soomaaliya ayaa qorsheynaya dibadbax ballaaran oo ka dhaca magaalada Muqdisho 10-ka May, si ay uga mudaaharaadaan waxa ay ku tilmaameen barakicinta lagu hayo shacabka caasimadda iyo in qoysaska laga saaray guryahooda loo oggolaado inay dib ugu laabtaan deegaanadooda.
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheikh Sharif Sheikh Ahmed, oo Arbacadii ka hadlay Muqdisho, ayaa sheegay in aan la iska indho tiri karin dhibaatooyinka ay wajahayaan dadka caasimadda, gaar ahaan kuwa laga raray guryahooda.
“Dadka Muqdisho waa inay si nabad ah u soo baxaan oo codkooda muujiyaan,” ayuu Sheekh Shariif u sheegay warbaahinta gudaha kadib kulan ay hoggaamiyeyaasha mucaaradku ku yeesheen hoygiisa.
Saacado kadib markii mucaaradka iclamaaliyay kacdoonka shacab, xaafadda Warlaliska oo degmada Deyniile katirsan waxaa ka dhacay dagaal u dhaxeeyay Ciidamada dowladda iyo dadka xaafadda oo hubeysan, kuwaasoo kasoo horjeeda in la burburiyo gurayhoooda.
Dibadbaxa la qorsheynayo ayaa ku soo beegmaya kulan siyaasadeed oo heer sare ah oo isla maalintaas la filayo inuu qabsoomo, kadib markii Madaxweynaha Soomaaliya, Hassan Sheikh Mohamud, uu casuumaad u fidiyay Golaha Mustaqbalka Soomaaliya si wada-hadallo looga yeesho arrimo muhiim ah oo ay ka mid yihiin dastuurka iyo hannaanka doorashooyinka, kuwaas oo weli muran xooggan ka dhex taagan dowladda iyo mucaaradka.
Ku dhawaaqista dibadbaxa ayaa imanaysa iyadoo ay sii kordhayaan xiisadaha siyaasadeed, xilli kooxaha mucaaradku ay soo bandhigayaan qorshayaal ballaaran oo ay ku doonayaan inay dib ugu qaabeeyaan jihada siyaasadeed ee dalka, halka dowladda federaalkuna ay waddo dadaallo lagu horumarinayo wadahadalka iyo dhameystirka nidaamka doorashooyinka.
Khilaafkan ayaa sidoo kale kusoo aadaya iyadoo muddo labadii sano ee lasoo dhaafay Muqdisho ay ka socdeen burburin dhismooyin, barakicin dadweyne iyo mashruucyo dib-u-habeyn magaalo. Dadka dhaliila tallaabooyinkan, oo ay ku jiraan siyaasiyiin mucaarad ah iyo ururrada bulshada rayidka, ayaa ku eedeeyay maamulka inuu ka leexday habraacyadii sharciga ahaa islamarkaana uusan bixin magdhow ku filan ama sharciyeyn cad oo ku saabsan barakicinta.
Maamulka federaalka iyo maamulka gobolka Banaadir ayaa dhankooda difaacay tallaabooyinkaasi, iyagoo sheegay inay lagama maarmaan u yihiin soo celinta dhulalka dowladda iyo hagaajinta qorsheynta magaalada. Si kastaba, muranka ku saabsan lahaanshaha dhulka iyo sharciyadda barakicinta ayaa sii huriyay xiisadaha siyaasadeed iyo kuwa sharci ee ka jira caasimadda.
GAROWE ONLINE