Banaanbax ka dhan ah AMISOM oo ka dhacay Muqdisho
MUQDISHO, Soomaaliya - Mudaaharaad looga soo horjeedo ciidamada howlgalka AMISOM ee jooga waddanka Soomaaliya ayaa Khamiista maanta ah ka dhacay magaalada caasimadda u ah Soomaaliya ee Muqdisho.
Isu-soo-baxan ayaa si gaar ah uga qabsoomay fagaaraha Daljirka Daahsoon ee degmada Boondheere halkaasoo ay ku dhow-dahay Madaxtooyadda Soomaaliya ee looga arimiyo waddanka.
Boorarka ay wateen dibad-baxayaasha waxaa ku qornaa erayo ka dhan ah AMISOM kuwaasoo ay kamid tahay "dil gardaro ah ma aqbaleyno, "AMISOM haka baxdo dalkeena" iyo erayo kale.
Qaar kamid ah dadka kasoo qeybgalay banaanbaxa oo ay ku jiraan ehalada dad dhowaan ciidamada AMISOM ku dileen gobolka Shabeellaha Hoose ayaa cod dheer waxay ku dalbadeen "cadaalad waafi ah"
"Tirro ka badan tobban jeer ayay dhacdey in ciidanka AMISOM ay dilaan dad shacab ah. Intaan ka badan uma dulqaadan karno. Waxay noqdeen nabad ka ilaalin halkii ay ahaayeen nabad-ilaalin," ayuu yiri mid kamid ah banaanbaxayaasha.
Dowladda Soomaaliya ayay ku tartarsiiyeen in ay soo farageliso kiiskii ugu dambeeyay oo lagu eedeeyay ciidamadda AMISOM in ay todoba qof oo rayid ah ay si bareer ah ugu dileen Shabeellaha Hoose.
Taliska AMISOM ayay ku eedeeyeen "in uusan diyaar u ahayn garaw-shiyo uu ka bixiyo falkan dhacay". Askarta lagu eedeeyay toogashada waxay u dhasheen Uganda. Kampala waxay qiratay dilka lala xiriiriyey.
Ma ahan markii ugu horeysay oo ciidamadda AMISOM lala xiriiriyo dilka dad shacab ah. Dhacdooyinkii horey loogu eedeeyay waxaa lagu xaliyey daaha gedaashiisa waxaana dhif ah in la maxkamadeeyo dambiileyaasha.
GAROWE ONLINE