Mudaaharaad ka dhan ah Farmaajo oo ka dhacay Muqdisho

Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Isu-soo-bax balaaran oo looga soo horjeedo madaxweynaha waqtigiisu dhamaadey Maxamed Cabdullaahi Maxamed [Farmaajo] ayaa Arbacada maanta ah ka dhacay magaala madaxda dalka ee Muqdisho.

Mudaaharaadka oo ay ka qeybgaleen dadwayne tirro badan ayaa ka dhacay degmooyinka Kaaraan, Yaqshid iyo Cabdicasiis ee gobolka Banaadir.

Dibad-baxayaasha ayaa watay boorar ay ku xar-dhan yihiin erayo ka dhan ah Farmaajo iyo dowlada uu hogaamiyo ee waqtiga uu gabi ahaanba ka dhacay.

Banaanbaxayaasha oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ujeedkoodu uu yahay in waddanka ay ka dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah isla markaana muhiim ay tahay in Farmaajo uu xilka ku wareejiyo una baneeyo si nabad ah.

"Waxaan u soo banaanbaxnay oo aan rabnaa in aan halkaan ku muujino shuruucteena. Madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waqtigiisa wuxuu ku dhameystay si mugdi iyo aan macquul ahayn caruurteenii wuu laayey Eritrea ayuu afka ugu shubay. Wiilasheenii qaarna wuu laayey Eritrea ayuu siiyey barna wuu noosoo adeegsaday xabadeeya marka ay banaanbaxanaa," ayay tiri haweenay kamid ahayd banaanbaxayaasha oo saxaafadda la hadashay.

Farmaajo oo muddo xileedkiisa dastuuriga ah uu ka dhamaadey 8-da Febraayo ayaa ku guuldareystay in uu waddanka qabto doorashooyin heshiis lagu yahay kana tanaasuli waayey qodobadii la isku hayey intii uu socday shirkii Dhuusamareeb 4 oo ahaa fursadii u dambeysay ee Villa Soomaaliya hortaalay.

"Hadii uu maqli waayo waxa ay ka dhiidhinayaan shacabkan waxaan u u sheegeynaa in aan Villa Soomaaliya ugu tagi doono lugtana kasoo qaban doono," ayuu yiri wiil dhalinyaro ah oo kamid ahaa dadka banaanbaxa ka qeybgalay.

Midowga Musharaxiinta oo sheegay in aysan madaxweyne u aqoonsaneyn Farmaajo ayaa ku taliyey in la sameeyo gole heer qaran oo waddanka ka hirgeliya doorasho la isla ogol-yahay kana kooban dhamaan daneeyeyaasha siyaasada.

Beesha Caalamka oo ka digtay hanaan doorasho oo iska soo horjeeda ayaa ku tartarsiisay Farmaajo in uu si deg-deg ah heshiis uga keeno maamuladda.

Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay ayaa la filayaa in dhowaan uu shir la yeesho xaaladda Soomaaliya gaar ahaan is-mari-waaga siyaasadeed ee taagan, waxaana la filayaa in ay go’aano iyo baaqyo kasoo saarey mar-xalada kala guurka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Axmed Madoobe oo la kulmay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah ee AFRICOM

Dardargelinta howlgallada ka dhanka ah kooxda Khawaarijta si looga sifeeyo deegaannada ay weli ku dhuumaalaystaan.

  • Soomaliya

    09-03-2026

  • 10:18PM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Saxiixay Dastuurka Cusub ee Dalka xilli ay Jirto Diidmo xooggan

Tallaabadan ayaa timid ka dib markii 4-tii Maarso ay baarlamaanku ansixiyeen wax-ka-beddelka dastuurka.

  • Soomaliya

    08-03-2026

  • 08:15PM