Xilheynta xeer-dejinta iyo Madaxtooyada HirSbabelle oo la kordhiyey

Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Kalfadhiga 1aad Kulankiisa 10 ee Baarlamanka Dowlad Goboledka Hirshabelle ayaa maanta ku qabsoomay magaaladda caasimadda ah ee Jowhar.

Afhayeenka Golaha Wakiiladda, Cabdixakim Luqmaan Muxumed oo uu wehlinaayo Gudoomiye ku-xigenka 2aad Mahad Hassan Osman ayaa guddoomiyey fadhigan ajandahiisu ahaa U codeynta wax kabadalka Mudo Xileedka Hay'adaha Dastuuriga Dowlad Goboleedka HirShabelle.

Tani ayaa daba-socota wax ka badal ay mudaneyaasha ku sameeyeen Qodobada 33aad iyo 50aad ee Dastuurka Dowlad Goboledka HirShabelle oo ka hadlaaya Muddo Baarlamanka iyo Madaxtooyada.

Xoghayaha Guud ee Golaha ayaa Xildhibaanada kahor akhriyey Qodobada Dastuurka Dowlad Goboleedka Hirshabelle oo Ka hadlaaya Awoodaha Baarlamanka Dowlad Goboledka Hirshabelle

Sidoo kale, Gudoomiye Cabdixakiim ayaa Xildhibaanada u sharaxay "qodobada Dastuurka ee mudan in wax kabadalka lagu sameeyo".

Intaas kadib, xildhibaanada ayaa gacan-taag-ku ansixiyey in muddo xileedka Hay'adaha Dastuuriga Dowlad Goboledka Hirshabelle oo kalkii hore ahaa 4 sano laga dhigo 5 sano.

Gudoomiyaha Baarlamanka oo xusay in kordhinta xilheynta baarlamaanka iyo madaxtooyada lagu kala leexinayo doorashooyinka maamulkan iyo tan federaalka ayaa ku dhawaaqay natiijada codeynta.

Wax-ka-badalka dastuurka HirShabelle oo ah gooni-masiiri ayaa kusoo hagaageysa iyadda oo muran ka taagan yahay habka lagu soo xulay baarlamaanka haatan shaqeynaya ee maamulka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

C/kariin Ciidle oo lagu celiyay Mareykanka si uu u wajaho dacwad musuqmaasuq $250 milyan ah

Mas'uuliyiintu waxay sheegeen in Cabdikariim uu ka baxsaday Mareykanka kaddib markii dacwadaha lagu soo oogay sanadkii 2022.

  • Soomaliya

    17-07-2026

  • 09:13PM

Soomaaliya oo laga reebay dalalka Afrika ee dalban kara fiisaha elektaroonigga ah ee Turkiga

Si kastaba, qofka wata baasaboorka caadiga ah ee Soomaaliya weli si toos ah ugama dalban karo fiisaha Turkiga internet-ka.

  • Soomaliya

    16-07-2026

  • 04:33PM