Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain
ALGIERS – Ugu yaraan 17 muhaajiriin Soomaali ah ayaa dhintay kadib markii doon ay la socdeen ku degtay biyaha u dhexeeya Algeria iyo Spain, sida uu sheegay safiirka Soomaaliya u fadhiya Algeria Khamiistii, taasoo mar kale muujinaysa khatarta ay wajahaan dadka Afrikaan ah ee isku dayaya inay gaaraan Yurub.
Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan oo raadinayay macluumaad ku saabsan carruurtooda la la’yahay. Dadka dhintay ayaa isugu jiray 12 rag ah iyo shan haween ah, kuwaas oo ku qaraqmay markii ay doontu rogmatay xilli ay ku jireen safarka halista badan.
“Waxaa ila soo xiriiray waalidiin doonayay inay ogaadaan halka ay carruurtoodu ku sugan yihiin,” ayuu yiri safiirka.
Wuxuu sheegay inuu kadib la xiriiray Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Algeria, taasoo u xaqiijisay in koox muhaajiriin Afrikaan ah ay ku dhinteen deegaan xeebeed qiyaastii 100 kiiloomitir galbeedka caasimadda Algiers.
Safiirka ayaa intaa ku daray inuu aroornimadii Khamiista safar ku tagay magaalada xeebta ah ee Bou Ismail, isagoo halkaas gaaray abbaare 6:00 subaxnimo.
“Waxaan booqday laba isbitaal oo ku yaalla gobolka, waxaanan arkay maydadka,” ayuu yiri.
Marinka u dhexeeya Waqooyiga Afrika iyo Spain ayaa ka mid ah waddooyinka ugu waaweyn ee ay adeegsadaan muhaajiriinta isku dayaya inay gaaraan Yurub, iyagoo inta badan isticmaala doonyo ciriiri ah oo aan ammaan ahayn.
Shilalka badda ayaa si joogto ah uga dhaca marinnadan, gaar ahaan badda Mediterranean-ka galbeed iyo marinada Atlantic-ka, halkaas oo kumannaan muhaajiriin ah ay sannad kasta naftooda halis geliyaan iyagoo ka cararaya colaado, faqri iyo saameynta isbeddelka cimilada.
Muhaajiriinta Soomaalida ayaa ka mid ah kuwa sii kordhaya ee qaada safarradan, iyadoo ay ku riixayaan amni-darro, fursado dhaqaale oo xaddidan iyo abaaro daba dheeraaday oo ka jira dalka.
Mas’uuliyiinta Algeria wali si buuxda uma shaacin faahfaahinta musiibadan ugu dambeysay, oo ay ku jirto tirada guud ee dadka saarnaa doonta iyo sababta keentay inay degto.
GAROWE ONLINE