Mukhtaar Roobow oo ka dagay Xudur [qorshihiisa cusub]

Image
Image

XUDUR, Bakool - Mukhtaar Roobow Cali "Abu Mansuur" ayaa saaka ka dagay degmada Xudur ee xarunta gobolka Bakool, isagoo kasoo duulay magaalada Muqdisho oo mudooyinkii dambe uu ku sugnaa.

Diyaarad gaar ah oo kasoo qaadey Caasimadda ayuu Mukhtaar Roobow ku tagey magaalada uu kasoo jeedo ee Xudur, halkaais oo ay kusoo dhaweeyeen Mas'uuliyiin iyo saraakiil ciidan oo katirsan maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Roobow oo isku soo dhiibay dowladda Federaalka bishii August ayaa lagu soo waramayaa inuu wado qorshoo cusub oo qeyb ka ah Gulufka colaadeed ee dowladda ku qaadayso Al Shabaab, Kooxdii uu horey uga soo goostay.

Sarkaal katirsan ciidamada Koonfur Galbeed ayaa Warsidaha Garowe Online u xaqiijiyay socdaalka Roobow ee magaalada Xudur, oo uu sheegay in si aad ah loogu soo dhaweeyay, islamarkaana la filaya inuu la kulmo Madaxda maamula gobolka Bakool.

Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga dowladda Federaalka Soomaaliya Cabdirashiid Cabdullaahi Maxamed iyo xubo kale ayaa ku wehliya Roobow safarkiisa Xudur.

Mukhtaar Roobow ayaa Al Shabaab kula dagaalamay mudo sanado ah deegaanka Abaal oo ku dhaw Xudur, kahor inta uusan isku soo dhiibin ciidamada dowladda, loona soo gudbin magaalada Muqdisho oo uu uga dhawaaqay inuu ka baxay Al Shabaab.

Waxaa la filayaa in Roobow uu gaaro Abaal, oo ay ku sugan yihiin malleeshiyaad isaga taabacsan, kuwaasi oo la qorsheynayo in lagu soo daro ciidamada dowladda Federaalka kahor inta uusan billaaban howlgalka ka dhanka ah Al Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Jubaland oo Villa Soomaaliya ku eedeysay sumcad dilka Axmed Madoobe

Eedeymahan ayaa imaanaya iyadoo magaalada Muqdisho uu ka socdo shirka golaha wadatashiga qaran.

  • Soomaliya

    06-10-2024

  • 08:04AM

Madaxwayne Deni oo Boosaaso ka daahfuray dhismaha jaamacad cusub

Dhismahan cusub waa xarunta dhexe ee Jaamacadda City Cot oo laga hirgeliyay magaaladda Boosaaso.

  • Soomaliya

    05-10-2024

  • 12:18PM