Mukhtaar Roobow oo la xiray iyo dagaal culus oo ka qarxay Baydhabo

Image

BAYDHABO, Soomaaliya - Wararka laga helayo magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa sheegaya in halkaasi lagu uxiray Mukhtaar Roobow, oo kamid ahaa musharixiinta isku soo taagay doorashada 19-ka bishan.

Wariye ku sugan Baydhabo, ayaa Warsidaha Garowe Online u sheegay in dagaal uu ka qarxay magaalada kadib markii ciidamo Booliska dowladda Federaalka ee dhawaan la geeyay magaalada ah ay gurigiisa kala baxeen Mukhtaar Roobow.

Warar kale ayaa sheegay in ciidamada watey Roobow ay yihiin Itoobiyaan.

Lama oga halka ay ciidamada la aadeen Mukhtaar Roobow, balse waxay wararku sheegayaan inay ku hayaan saldhig ay Baydhabo.

Ma cadda sababta ka dambeysay xariga Roobow, oo kusoo aadaya xili dowladda Soomaaliya ay sameysay dadaalo badan oo ay ku dooneysay inay uga hor-istaagto ka qayb-qaadashada coddeynta.

Dowladda Soomaaliya oo horey u geysay xarun KMG Koonfur Galbeed ciidamo Boolis ah oo ka badan 200 ayaa waxaa nan la ogayn hadii ay qayb ka qaateen howlgalka lagu soo qabtay Roobow.

Wixii warar ah ee kusoo kordha xaaladda Baydhabo kala soco Garowe Online. 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM