Mulkiilaha shirkad lagu qarxiyey Soomaaliya oo la qaabilay

Image

ANKARA, Turkey – Diblumaasiga ugu sareeya Turkiga ayaa Talaadadii wuxuu la kulmay mulkiilaha shirkada howlwadeenadda lagu qarxiyey todobaadkan lagu qarxiyey duleedka Soomaaliya ee Muqdisho.

Mevlut Cavusoglu ayaa martigeliyey Hidayet Zorlu, oo ah mulkiilaha shirkadda reer Turkey ee En-Ez, waxaana kulankooda uu ka dhacay xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee caasimadda Ankara.

Zorlu Zorlu ayaa kala hadlay Cavusoglu iyo wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda Turkiga Yavuz Selim Kiran weerarkii Sabidii iyo xaaladda waqti xaadirkan ku sugan yihiin shaqaalaha dhaawacyadda soo gaareen.

Labadii sano ee lasoo dhaafay ayuu ka dhawaajiyey in shaqaalaha iyo shirkadaha Turkiga lagu qarxiyey gudaha Somaaliya.

Cavusoglu ayaa uga tacsiyeeyay shaqaalaha ka dhintay wuxuuna soo kabasho deg-deg ah u rajeeyay xubnaha kale ee dhaawacmay.

Saxaafadda Turkiga ayaa shaacisay in laba Turki ah ay ku naf-waayeen qarxaas kuwaasoo magacyadooda kala yihiin; Selami Aydogdu iyo Erdinc Genc kuna dhaawacmeen saddex kale oo dalkaas u dhalatay.

Wadar ahaan, ugu yaraan 14 qof oo saddex Turki ah ku jiraan ayaa ku dhaawacmay falkaas ay sheegatay kooxda Al-Shabaab.

Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa cambaareysay qaraxaas, waxaana ay shaacisay in ay talaabo ka qaadeyso cidii ka dambeysay.

Muwaadiniinta Turkida ah ee ku dhintay qaraxaas ayaa ka shaqeynayey dhismaha wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye taasoo ay maalgelineyso dowladda Qadar ayna mashruuca fulineyso shirkadda reer Turkey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo ka jawaabay go'aanka Midowga Yurub ee xayiraadda Fiisaha ee la saarey Soomaaliya

Midowga Yurub ayaa sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay kasoo bixi waysay wadashaqeyntii ay ka rabeen.

  • Soomaliya

    26-06-2026

  • 06:27AM

XOG: Xasan Sheekh oo cadaadis ku haya shakhsiyaad uu soo dirsaday si ay colaad uga huriyaan Puntland

Dukumiintiyada sirta ah ee la helay ayaa muujinaya in kooxaha qorshahan loo xilsaaray loo qaybiyay afar qaybood.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 08:15PM