Mulkiile UN-ka gaarigiis la xiriiriyey qarax oo hadlay

Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Ciise Xaaji Cabdulle oo sheegtay in uu yahay ganacsade ayaa ku eedeeyay xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya in ay ka been-abuurteen gaari uu shaqsi ahaan isagau leeyahay kuna sifeeyeen in uu la qorsheynayo in loo adeegsado qarax is-miidaamin.

Cabdulle oo kasoo muuqdey warbaahinta la iska argo ayaa xusay in baabuurkiis oo taarikadiisu tahay AH 2737 uu isagu leeyahay isla markaana uu u soo iibsaday in uu ku daabulo dalagada beer uu leeyahay taasoo la fahansan yahay in ay ku taalo gobolka Shabeellaha Hoose.

Gaariga uu Cabdulle leeyahay waa Surf kaasoo xataa Jamciyada Qurumaha Ka Dhaxeysa ay faafisay sawiraddiisa.

"Mar kala ayay been sheegayaan qolada UN-ka ee Xalane joogta. Horey waxaa ii bari-yeelay ciidamadda sirdoonka oo ii yeeray isla markaana hubiyey baabuurkeyga iyo aniga kana waayay wax qarax ah," ayuu Cabdulle ku daray, isaga oo saxafaada kula hadlaya gurigiisa.

Isaga oo hadalkiisa sii wata, Cabdulle oo tilmaamay in garigiisa iyo isaga lagu baaray gudaha xarunta dambi baarista CIA-da ayaa sheegay in warbixinta UN-ka ay khatar gelisay nafsadiisa iyo hantidiisa.

Geesta kale, Cismaan Caraale Jeyte oo tibaaxay in uu yahay nabadoonka ganacsatadaha, ayaa ugu baaqay xafiiska UNSOM in uu ka laabto warbixintaas isla markaana uu cudurdaar furan ka bixiyo.

"Shacabka Soomaaliyeed waa in ay ogaadaan in warbixinadda kasoo baxaya ay been u yihiin sidda ay ugu been abuurteen ganacsade Ciise Xaaji Cabdulle, waana in ay raaligelin ka bixiyaan," ayuu tibaaxay.

Todobaadyaddii lasoo dhaafay, waxaa baraha bulshadda hareeyay qoraalo la sheegay in ay kasoo baxeen hay’addaha amniga ee fadhigoodu yahay xerada Xalana ee Muqdisho kuwaas oo tilmaamaye in caasimaddu ka dhici karaan weeraro ay Al-Shabaab u adeegsato qaraxyo.

Cumar Filish, guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho oo kasoo muuqdey shir jaraa'id oo wasiiro ka tirsan xukuumadda xil-gaarsiinta, ayaa sheegay in 20 qof oo gurigiisa ku nool 16 kamid ah uu ku dhacay Covid-19. "Aniga hadda waxaan kamid ah dadka kasoo bogsanaya," ayuu ku daray.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM