Munaasabadii sanad-guurada Qoorqoor oo baaqatay

Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug - Munaasabad ay Madaxtooyadda Galmudug u qabanqaabisay sanad guurada koowaad tan iyo markii Axmed Cabdi Kaariye [Qoorqoor] loo doortey hogaanka maamulkaas laguna waday in caawa lagu qabto Dhuusamareeb ayaa baaqatay, sidda ay xaqiijiyeen dhowr illo wareed.

Baaqashada ayaa ka dambeysay kadib markii maleyshiyada Al-Shabaab ay maanta Qarax Miino ku dishay Saraakiil uu hogaaminayey Taliyaha NISA ee Dhuusamareeb iyo 10 askari oo Ilaalo u ahayd.

Weerarkaas wuxuu ka dhacay inta u dhaxeysa degmadda Ceeldheere iyo magaalada Dhuusamareeb oo kawada tirsan gobolka Galgaduud.

Dhinaca kale, waxaa caawa Dhuusamareeb ku hoyanaya Madaxda Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya ee Kala ah Puntland, Jubbaland iyo Hirshabeele, iyada oo maanta uu Madaxweynaha Koonfur-Galbeed ku guryo noqday Baydhabo.

Tan iyo intii uu shalay Madaxweynaha Wakhtigiisa ay ka harsan tahay Saacadaha kooban uu ku laabtay Caasimadda Muqdisho, waxaa ay Madaxda Dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya ay Dhuusamareeb ku yeesheen kulamo ku aadan sidii ay go’aan midaysan uga qaadan lahaayeen Xalaadda cakiran ee uu Dalku galay.

Warsidaha Garowe Online ayaa fahansan in caawa saq-dhexe illaa berri uu soo bixi doono war-murtiyeed ku aadan xaaladda dalka oo maamuladda soo saari doonan maadaama dowladda Farmaajo uu muddo xileedkoodu ku egyahay caawa Saqda dhexe 12:00 PM.

Hogaamiyeyaasha maamul goboleedyadda wali ku sugan magaala madaxda maamulka madaxweyne Qoorqoor ayaa lagu waddaa in Isniinta berri ah ay dib ugu laabtaan xarumahooda kana ambabaxaan magaalada caasimadda ah ee Dhuusamareeb.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM