Muqdisho: ciidamo qarax lagula beegsaday degmada Hodon

Image

June 24, 2015 (GO)- Qarax ayaa goor dhow ka dhacay meel u dhow fagaaraha Tarabuunka oo ku yaal degmada Hodon ee magaalada Muqdisho.

Gaari ay la socdeen ciidamo ka tisran kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu qarxiyey miino nooca meesha fog laga hago ah oo jidka dhinaciisa lasii dhigay.

Askarta la qarxiyey qaar kamid ah ayaa rasaas furay, rasaastaas oo sida lagu soo warramayo waxyeelo kasoo gaartey dad rayid ah oo goobta ka ag dhowaa.

Faah faahin dheeri ah lagama hayo khasaaraha uu weerarkani geystey, haseyeeshee wixii warar ah oo kasoo kordha dib ayaan idiinka soo gudbin doonnaa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM