Muqdisho: ciidamo qarax lagula beegsaday degmada Hodon

Image

June 24, 2015 (GO)- Qarax ayaa goor dhow ka dhacay meel u dhow fagaaraha Tarabuunka oo ku yaal degmada Hodon ee magaalada Muqdisho.

Gaari ay la socdeen ciidamo ka tisran kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu qarxiyey miino nooca meesha fog laga hago ah oo jidka dhinaciisa lasii dhigay.

Askarta la qarxiyey qaar kamid ah ayaa rasaas furay, rasaastaas oo sida lagu soo warramayo waxyeelo kasoo gaartey dad rayid ah oo goobta ka ag dhowaa.

Faah faahin dheeri ah lagama hayo khasaaraha uu weerarkani geystey, haseyeeshee wixii warar ah oo kasoo kordha dib ayaan idiinka soo gudbin doonnaa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mucaaradka oo Ku Hanjabay Doorasho Haddii Xasan Sheekh Fulin Waayo Baaqooda

War-saxaafadeedku wuxuu xusay in muddada Golaha Shacabka dhamaato 14 April 2026, halka muddada Madaxweynaha ay dhacdo 15 May 2026.

  • Soomaliya

    21-12-2025

  • 11:16AM

War-murtiyeedkii Kismaayo oo diiday wax muddo-kororsi ah, digniina u direy Xasan Shiikh

War-murtiyeedka shirka ayaa si weyn u dhaliilay hoggaanka Dowladda Federaalka, isagoo …

  • Soomaliya

    20-12-2025

  • 06:23PM