Muqdisho: Dad badan oo ku nafwaayey qarax is-miidaamin

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Qarax culus ayaa galabta wuxuu ka dhacay Muqdisho kadib markii qof isku soo xiray walxaha qaraxa uu beegsaday maqaaxi ku taalla degmada Wadajir.

Mehradan ayaa si gaar ah waxay ugu taalaa inta u dhaxeeysa baraha Koontarool ee laga gallo xerada amnigeeda aadka loo sugo ee Xalane iyo saldhigga Janaraal Goordan.

Khasaaro kala duwan ayaa lasoo warinayaa in uu jira iyadoo wararka hordhaca ah ee soo baxaya ay tibaaxayaan in ugu yaraan 10 qof ay ku geeriyoodeen goobta.

Ma jirto koox illaa haatan dusha saaratay mas'uuliyada weerarkan balse dhacdooyinka noocaan ah waxay kusoo beegmayaa iyadda waddanka ay ka jirto xiisad siyaasadeed.

Xiisadaas ayaa waxay ka dhalatay kiiska haweenay ka tirsan hay'ada mukhaabaraadka Soomaaliya, Ikraan Tahliil Faarax, taasoo la waayey in ka badan laba bilood kahor.

Hay'adda sirdoonka ayaa sheegtay in Ikraan ay ku maqan tahay gacanta Al-Shabaab balse kooxda hubeysan waxay tibaaxdey in aysan ku lug lahayn taasoo cirka kusii shareerisay xiisadda.

Qoyska Ikraan ayaa cod dheer waxay ku dalbadeen in ay kaliya ku qancayaan meydka gabadhooda oo ay arkaan iyo in maxkamadeyn daahfuran la horgeeyo masuul kasta oo ka dambeeyay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM

Bangiga Maalgashiga Yurub oo tixgelinaya inuu amaah siiyo Soomaaliya xilli xiisado jiraan

Go’aankan ayaa soo baxay wax ka yar laba sano kadib markii Soomaaliya laga cafiyay…

  • Soomaliya

    24-08-2025

  • 09:54PM