Muqdisho: Dhimashada Jazeera oo gaartey 15, Chinese ku dhintey

Image

JUly 27, 2015 (GO)- Qof u dhashey dalka China ayaa ku dhintey halka sadex kale ku dhaawacantey qaraxii shaley lala beegsadey hotel Jazeera sidaas waxaa saxafaada u cadeeyey sarkaal ka tirsan safaarada Chines-ku  ku leedahay magaalada Muqdisho.

Safaarada Chinese oo xarun ku laheyd hotel Jazeera ayaa sheegtey in qaraxaii maalitii shaley 26 July,2017 lala beegsadey hotelka uu ku dhintey mid kamid ah askartooda ilaalada ah halka dhaawac soo gaarey sadex kale.

Sarkaal ka tirsan booliska Muqdisho oo saxaafada la hadlayey ayaa shegey in qaraxii lagu dhuftey irida hore ee Hotel Jazeera ku dhinteen dad gaaraya 15 qof kuwasoo intooda badan ahaayeen shacab.

Jazeera oo ku yaaley agagaarka garoonka diyaardaha magaalada Muqdisho ayaa waxa daganaa tiro safaardaha wadamada shisheeye ku leeyihiin magaalada Muqdisho halka lagu qaban jirey shirarka muhiimka ah ee dowlada Federaalka ah.

Safaarada Chines-ka ku leedahay magaalada Muqdisho oo labada dabaq ee ugu sareeya dhismaha Hotelka ku laheyd xafiisyadeeda ayaa waxaa soo gaarey bur-bur xoogan qolalka ay ka daganeyd Jazeera.

Ururka Al-shabaab oo sheegtey mas'uuliyada qaraxa lala beegsadey Hotelkaan ayaa xusey iney ka argoosayeen weeraradii dhowaan ciidamada AMISOM kaga qabsadeen magaalooyinka Diinsoor iyo Baardheere.

Qaraxaan ayaa yimid maalin kadib markii magaalada Muqdisho lagu diley xildhibaan ka tirsan Barlamanka Somalia iyo sarkaal ka shaqeeya xafiiska Ra'isal wasaaraha Somalia Cumar Cabdirashiid.

GAROWEONLINE

Related Articles

Midowga Afrika oo dib u eegaya hawlgalka xasilinta Soomaaliya

Ugu dambeyn, waxaa la filayaa in Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika uu dhowaan soo saaro war-murtiyeed ku saabsan arrintan.

  • Soomaliya

    22-12-2025

  • 07:20AM

Dhakhtar Kenyan ah oo farriin muuqaal ah soo diray isagoo ku jira gacanta Al-Shabaab

Ilaa iyo hadda, Qaramada Midoobay iyo dowladda Kenya midkoodna kama aysan soo bixin jawaab rasmi ah oo ku aaddan baaqa uu diray Kimiti.

  • Soomaliya

    22-12-2025

  • 06:02AM