Muqdisho: Dhimashada Jazeera oo gaartey 15, Chinese ku dhintey

Image

JUly 27, 2015 (GO)- Qof u dhashey dalka China ayaa ku dhintey halka sadex kale ku dhaawacantey qaraxii shaley lala beegsadey hotel Jazeera sidaas waxaa saxafaada u cadeeyey sarkaal ka tirsan safaarada Chines-ku  ku leedahay magaalada Muqdisho.

Safaarada Chinese oo xarun ku laheyd hotel Jazeera ayaa sheegtey in qaraxaii maalitii shaley 26 July,2017 lala beegsadey hotelka uu ku dhintey mid kamid ah askartooda ilaalada ah halka dhaawac soo gaarey sadex kale.

Sarkaal ka tirsan booliska Muqdisho oo saxaafada la hadlayey ayaa shegey in qaraxii lagu dhuftey irida hore ee Hotel Jazeera ku dhinteen dad gaaraya 15 qof kuwasoo intooda badan ahaayeen shacab.

Jazeera oo ku yaaley agagaarka garoonka diyaardaha magaalada Muqdisho ayaa waxa daganaa tiro safaardaha wadamada shisheeye ku leeyihiin magaalada Muqdisho halka lagu qaban jirey shirarka muhiimka ah ee dowlada Federaalka ah.

Safaarada Chines-ka ku leedahay magaalada Muqdisho oo labada dabaq ee ugu sareeya dhismaha Hotelka ku laheyd xafiisyadeeda ayaa waxaa soo gaarey bur-bur xoogan qolalka ay ka daganeyd Jazeera.

Ururka Al-shabaab oo sheegtey mas'uuliyada qaraxa lala beegsadey Hotelkaan ayaa xusey iney ka argoosayeen weeraradii dhowaan ciidamada AMISOM kaga qabsadeen magaalooyinka Diinsoor iyo Baardheere.

Qaraxaan ayaa yimid maalin kadib markii magaalada Muqdisho lagu diley xildhibaan ka tirsan Barlamanka Somalia iyo sarkaal ka shaqeeya xafiiska Ra'isal wasaaraha Somalia Cumar Cabdirashiid.

GAROWEONLINE

Related Articles

Walaaca laga muujiyey hufnaanta heshiiska Shidaalka Soomaaliya iyo Turkiga

Turkiga ayaa sheegaya in 10 bilood gudahooda kusii saari doono shidaalka Soomaaliya, iyadoo laga qodoyo dhanka Galmudug state.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:56PM

Turkiga oo Markab Shidaal qodis keenay Xeebaha Soomaaliya xilli uu xiliga waqtiga dawladdu gaba-gabo yahay

Ma jiro weli heshiis loo dhan yahay oo laga gaaray hannaanka doorashada, taas oo dhalisay hubanti la’aan siyaasadeed.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:29PM