Muqdisho oo gashay xaalad ciidan kahor banaanbaxa

Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Xilli uu saacado qura ka harsan yahay mudaaharaadka Midowga Musharaxiinta u muddeeyeen maalinta Jimcaha, ciidamo iska soo horjeeda ayaa caawa lagu daadiyey jidadka muhiimka ah ee caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Askartan ayaa ka kooban saddex qeybood; booliska sidda gaarka ah u tababaran ee Haramcad oo xirtey isgoysyada KM4, Taleex iyo Tarbuunka, milatari ka amar-qaata Musharaxiinta oo la wareegay waddooyinka gala fagaaraha banaanbax ka dhacayo.

Si lamid ah, cutubyo kale oo ka amar-qaata Jeneraal Indha-cadde oo qabsaday barxadda Daljirka Daahsoon halkaas oo musharaxiinta iyo kumanaan dadwayne ah la filayo in berri ay ku oogaan banaanbax lagu dalbanayo in dalka u dareero doorashooyin daahfuran.

Ma jiro wax war ah oo ku saabsan dhaqdhaqaaqa ciidan ee ka bilowday magaala madaxda oo kasoo baxay dhanka Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya oo aan ka jawaabin codsiyo uu Garowe Online doonayay in uu wax kaga waydiiyo xaalada ay magaaladu gashay.

Jeneraal Indha-cadde oo u waramay telefishinka Dalsan ee magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ayaa shaaca ka dhigay in uu aaminsan in dowladda waqtiga uu ka dhamaadey isla markaana aysan sharciyad u haysan in ay waddanka sii hogaamiso.

"Dalkaan wax maamul ah kama jiro, madaxweynuhu wuxuu la mid-yahay Cabdi Qaasim-ka Masar jooga, wasiiraduna anigoo wasiir hore ah ayey ila mid yihiin," ayuu yiri wareysi uu bixiyey isaga oo ku sugan fagaaraha Daljirka Daahsoon.

Talaabadda ay qaadeen dowladda federaalka ah iyo Midowga Musharaxiinta ayaa sarre u qaadeysa walaaca laga qabo in uu yimaado isku-dhac ciidan maalinta berri aha ama saacadaha soo aadan wallow ay jiraan baaqyo ku aadan in laga fogaado fal kasta oo keenaya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Safiirka UK oo Muqdisho ku tilmaamay mid ka mid ah goobaha ugu khatarta badan dunida  

Safiirka ayaa ku dhuftay in wadashaqayn dhow oo ay la leeyihiin dowladda Soomaaliya, Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay.

  • Soomaliya

    01-05-2026

  • 01:41PM

Nin Soomaali ah oo weerar mindi ku qaaday laba nin oo Yuhuud ah London

Warbaahinta BBC ayaa sheegtay in ninka la hayo uu yahay Essa Suleiman, 45 jir, oo degan koonfur-bari London.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 02:26PM