Muqdisho oo laga dejiyay qalab milatari oo ka yimid Israa'iil
Muqdisho – Ilo istiraatiiji ah oo heer gobol ah ayaa ku andacooday in shixnad ka timid Israa'iil oo sidday qalab isgaarsiineed oo heer milatari ah loo diray Soomaaliya, iyadoo loo diiwaangeliyay inay ku socdo xafiis ka tirsan Qaramada Midoobay.
Sida ay ilo wareedyadan u sheegeen telefishinka Al Mayadeen, shixnadda oo culeyskeedu ahaa 1,000 kiiloogaraam ayaa ka baxday Tel Aviv, waxay sii martay Nairobi, waxayna gaartay Muqdisho 21-kii Juun. Waxay sheegeen in dukumiintiyada shixnadda lagu diiwaangeliyay inay ku socoto xafiis Qaramada Midoobay oo ku yaalla caasimadda Soomaaliya.
Ilo wareedyadu waxay sidoo kale sheegeen in shixnaddu ay ka koobnayd nidaam casri ah oo isgaarsiineed oo loogu talagalay adeegsiga milatariga iyo sirdoonka. Waxay intaas ku dareen in qalabka ay soo saartay shirkadda Mer Security and Communications, oo xarunteedu tahay magaalada Or Yehuda ee Israa'iil.
Sida ay sheegayaan isla ilo wareedyadaas, shixnadda waxaa lagu wareejiyay xafiis Qaramada Midoobay ku leeyahay Muqdisho.
Ilaa hadda, Qaramada Midoobay, Dowladda Federaalka Soomaaliya, dowladda Israa'iil iyo shirkadda lagu magacaabay warbixinta midkoodna kama uusan hadlin eedeymahan, kuwaas oo aan si madax-bannaan loo xaqiijin.
Dhanka kale, hoggaamiyaha Xuutiyiinta Yemen, Cabdulmaalik Al-Houthi, ayaa 25-kii Juun sheegay in kooxdiisu ay tallaabo ka qaadi doonto waxa uu ku tilmaamay dhaqdhaqaaqyada Israa'iil ee Soomaaliya.
Khudbad uu jeediyay ayuu Al-Houthi ku sheegay in Israa'iil ay isku dayayso inay saldhig ka sameysato Soomaaliya si ay saameyn ugu yeelato Gacanka Cadmeed iyo marin-biyoodka Baabul Mandab, oo ka mid ah marinnada ganacsiga badda ee ugu muhiimsan caalamka.
"Waxaan si weyn uga walaacsannahay waxa ka socda Soomaaliya iyo dadaallada cadowga Israa'iil uu ku doonayo inuu ku maamulo Gacanka Cadmeed iyo Baabul Mandab," ayuu yiri.
Al-Houthi wuxuu sidoo kale ugu baaqay dalalka ku teedsan Badda Cas inay qaataan mowqif mideysan oo ka dhan ah dhaqdhaqaaqyada Israa'iil ee gobolka, isagoo uga digay in Ansar Allah ay "qaadi doonto tallaabo ay ku beegsaneyso dhaqdhaqaaq kasta oo Israa'iil ku yeelato dhulka Soomaaliya."
Eedeymahan iyo hanjabaadaha ayaa imanaya iyadoo xiisadaha gobolka ay sii kordhayaan, taasoo la xiriirta dagaalka Gaza iyo loollanka sii xoogeysanaya ee lagu doonayo saameynta marinnada istiraatiijiga ah ee Geeska Afrika iyo Badda Cas.
GAROWE ONLINE