Muqdisho oo laga dejiyey askar lagu soo tababaray Turkey

Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka wasaaradda Gaashaandhigga XFS Xasan Xuseen Xaaji oo uu wehliyo Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliya Jeneral Maxamed Tahliil Biixi ayaa waxay garoonka Muqdisho ku soo dhaweeyeen cutubyo ka tirsan ururka 7aad ee ciidanka Kumaandooska Gorgor oo tababar gaar ah ku soo qaatay Dalka Turkiga.

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS Jeneraal Bixii ayaa Sheegay in DFS ay dadaal galisay Dhismaha Ciidanka Xoogga dalka  isagoo kaga mahadceliyay Masuuliyiinta wasaaradda Gaashaandhigga sida ay uga go’antahay horumarinta iyo tayeynta Ciidanka Xoogga.

Wasiirka wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji ayaa tilmaamay in hanaanka qoridda kumaandooska gorgor si aad ah looga baaraan dagay islamarkaana ay yihiin Ciidan qaran oo dadka, dalka iyo diinta in ay difaacan loo dhaariyay loona carbiyay.

Waxa uu sheegay Wasiir Xasan Xuseen in Wasaaradda Difaaca oo ka duuleysa tayeynta Ciidanka XDS dib-u-habeyn balaaran ay ku sameysay Ciidanka.

Wasaaradda Gaashaandhigga XFS ayaa hore ugu guuleysatay tira-koobka Ciidanka Xoogga, waxaana socda dadaalo Xoogan  oo Ciidanka Xoogga ay ku wiiqayaan argagixisadda.

Wasaarada Difaaca

Related Articles

Libya iyo Soomaaliya oo Kawada Hadlay Iskaashiga Laba Geesood ah

Soomaaliya ayaa dhawaan ka baxday liiska dalalka daymaha haya ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ka dib 35 sano.

  • Soomaliya

    24-02-2025

  • 01:50PM

Ciidamada Difaaca Puntland oo Gacanta ku Dhigay Warshaddii Qaraxyada ISIS

Ciidamada Puntland ayaa sidoo kale ku guuleystay inay ka saaraan argagixisada deegaanadan muhiimka ah.

  • Soomaliya

    24-02-2025

  • 11:38AM