Muqdisho oo martigelineysa shirar iska soo horjeeda

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa Isniinta maanta ah waxaa martigelineysaa shirar madaxeedyo iska soo horjeeda oo looga hadlayo masiirka doorashooyinka qaranka.

Madaxweynaha waqtiga ka dhamaadey Farmaajo iyo xulafadiisa ayaa shir u gaar ah uga bilowday xerada Xalane ee ammaankeeda ay aadka u ilaaliyaan ciidamadda howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.

Dhanka kale, madaxda Puntland, Jubaland, afhayeenka Aqalka Sare iyo Midowga Musharaxiinta ayaa dhankooda waxay ku shirayaan isla gudaha Xalane iyagoo ka arrin-sanaya khilaafka coddeynta.

Talaabadan oo sawir cad ka bixineysa heerka uu gaarsan yahay khilaafka haatan taagan ayaa ka dambeysay markii shirkii lagu balansanaa ay madaxda ku heshiin weyday ajandaha iyo ammaankiisa.

"Kulan horudhac ah"

Madaxtooyada Soomaaliya oo fahfaahisay is-araga Farmaajo iyo xulafadiisa ayaa ku tilmaamtay "kulan horudhac u ah" wadahadalada xalka loogu raadinayo is-mari-waaga ka taagan coddeynta heer federaal.

"Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa guddoomiyey kulan hordhac u ah Shirka Qaran ee dhammeystirka Arrimaha Doorashooyinka iyo fulinta heshiiskii 17-ka Sabteembar 2020 ee ay ansixiyeen Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya," ayay Villa Soomaaliya ku yiri qoraal kooban.

Hogaamiyeyaasha Galmudug, Koonfur Galbeed, iyo HirShabelle si lamid ah guddoomiyaha gobolka Banaadir oo faafiyey qoraalo isku mida ayaa ku qeexay "Shirka Wadatashiga Madaxda DFS, Dowladaha Xubnaha ka ah iyo Maamulka Gobolka Banaadir".

Inkasta oo aysan wali ka hadlin kulankan Farmaajo guddoomiyey, Puntland, Jubaland, Beesha Caalamka iyo musharaxiinta ayaa horey u caddeeyay mowqifkooda adkeeyayna wadahadalo loo-dhan-yahay laguna heshiiyey ajandaha.

Maadaama ay muuqato in shirar kala gaar-gaar ah ay bilowdeen, waxaa la filayaa in maxsuulkooda uu kala duwanaan doono taasoo dharbaaxo ku ah dedaalada caalamiga ku aadanaa in xal lagu helo kulanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM