Muqdisho: Qoysas ku le'day daadad ka dhashay roobab culus
MUQDISHO, Soomaalia – Lix iyo tobban qof oo 15 kamid ah ay kasoo jeedaan laba qoys ayaa ku nafwaayey roobab mahiigaan oo saacadihii lasoo dhaafay ka da'ay caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, sida ay muujinayaan xog-uruurin uu sameeyay warsidaha Garowe Online.
Jimcada todobaadkii hore, 7-da May, sagaal caruur ah ayaa dhintay markii gurigooda ku yaala xaafadda Buula-xuubey ee degmadda Wadajir ay galeen biyo kasoo baxsaday war halkaas ku taalo.
"Qeyb ka mida guriga ayaa dumay kadib markii ay gudaha u galeen daadadka uu sababay roobka weyn ee ka da'ay Muqdisho. Qoyska illaahey bedel wanaagsan ha siiyo," ayuu yiri qof kamid ah dadka degaanka oo telefoonka ugu waramay xafiiska war-qabadka warsidaha Garowe Online.
Sida ay wararku sheegayaan, shan kamid ah caruurtan oo da'doodu ahayd min 10-sano jir ay kasoo jeedeen hal qoys, inta kalana ay dhaleen waalidka aabaha gurigaas Xasan Abdullahi Gacal kaasoo garab-istaag badan ka helay xubno ka tirsan musharaxiinta madaxtinimada dalka.
"Madaxweyne Sheekh Shariif ayaa ugu baaqay dadka Soomaaliyeed in la caawiyo dadka dhibaatadu gaartay maadaama lagu jiro bisha barakeysan ee Ramadan wuxuuna ugu baaqay dowladda inay wax ka qabato sababaha keenay in daadadku ku rogmadaan xaafadaha shacabku deggan yahay," ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay xisbi siyaasadeedka Himilo Qaran.
Siyaai Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo qoraal ku daabacay bartiisa Facebook ayaa xusay in uu la hadlay Mr Gacal.
"Waxaan khadka taleefanka kula hadlay Aabbe Xasan C/laahi Gacal oo shan ka mid ah caruurtiisa ay maanta ku dhinteen daadadkii roobkii xalay ka da’ay magaalada Muqdisho. Waxaan la qaybsaday xanuunka tacsida iyo tiiraanyada. Waxaan Alle uga baryey in uu bedel khayr leh siiyo. Waxaan naftayda iyo shacabka Soomaaliyeed ugu baaqayaa in ay gargaar degdeg ah u fidiyaan Aabe Xasan iyo Qoyskiisa," ayuu Warsame tibaaxay.
Mar kale, maanta oo Axad ah, 9-ka May, shan caruur ah iyo hooyadooda ayaa la sheegay in ay ku nafwaayeen markii uu kusoo dumay darbiga gurigooda oo ku yaala xaafadda Saybiyaano ee duleedka Muqdisho.
"Afar kamid ah qoyska way geeriyoodeen halka 3 kalena dhaawac soo gaaray kuwaas oo hadda loola cararay isbitaalada Muqdisho. Mid kamid ah caruurta wuxuu la joogay qoyska," ayuu yiri goobjooge kale oo ku nool meesha ay wax ka dhaceen oo ah xero barakacyaal.
Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaan wali wax war ah kasoo saarin dhibaatadda rayidka kasoo gaareya daadka ka dhashay roobabka saacadihii lasoo dhaafay ay heleyso magaala madaxda.
Qaramada Midoobay oo daaha ka rogtay in Soomaaliya ay galeyso xilli-roobaadka ayaa cod dheer waxay kaga digtay in ay sababaan fatahaadyo waxyeelo daran u geysta dadka si gaar ah qoysaska danyarta ah.
Muqdisho oo ah magaalo sii koreysa ayaanan lahayn hanaan uga gaashaamaneyso daadka ka dhasha roobabka noocaan ah, waxaana arrintaas ay dhabaha u xaartay in sanad walba shacab badan ku geeriyoodaan, mana muuqato ifafaalo lagu soo afjarayo dhibaatadaas joogtadda ah.
GAROWE ONLINE