Muqdisho: Wasiirka Cadaaladda Somalia oo hortegaya baarlammaanka

Image

June 28, 2015 (GO)- Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Garsoorka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Cabdullaahi Axmed Jaamac (Ilko-jiir) ayaa maanta hortegaya golaha baarlammaanka.

Xildhibaannada ayaa Wasiirka ka xog wareysan doona arrimo badan, waxaana qodobada ay sida gaarka ah wax uga weydiin doonaan kamid ah xaaladda garsoorka dalka iyo weliba horumarrada ay Wasaaraddu muddooyinkii u dambeeyey sameysey.

Dhanka kale, Wasiir Ilko-Jiir waxaa wax laga weydiin doonaa howsha guddiga adeegga garsoorka, guddigaas oo dhowaan baarlammaanku ansixiyey.

Faah faahin dheeri ah oo ku saabsan kulanka maanta su'aalaha lagu weydiinayo Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Garsoorka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, dib ayaan idiinka soo gudbin doonnaa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM