Muqdisho: xoghayihii Dharkeynley iyo labo ilaalo u ahaa oo la diley

Image

July 12, 2015 (GO)- Xog-hayihii maamulka degmada Dharkeynley ee gobolka Banaadir Bile Axmed Abuukar iyo labo kamid ah ilaaladiisa ayaa maanta toogasho lagu diley.

Dabley hubeysan oo watey gaari ayaa tacshiirad ku furay gaari kale oo xog-yahaha iyo ilaaladiisu la socdeen, xilli ay marayeen agagaarka Kaxda.

Dableyda weerarka fulisey oo loo badinayo inay Al-shabaab ka tirsan yihiin ayaa durbadiiba goobta ka baxsaday.

Ciidamada booliska ayaa daqiiqado kaddib soo gaarey agagaarka halka uu dilku ka dhacay, mana jirto ilaa iyo hadda cid falkaas loo soo qabtey.

Al-shabaab ayaa sanad walba inta lagu guda jiro bishan barakeysan ee Ramadan, waxay kordhisaa weerarrada iyo dilalalka qorsheysan ee ay la beegsaneyso mas'uuliyiinta dowladda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM