Xukun dil ah oo lagu fuliyey niman horay u diley xildhibaanno

Image

May 13, 2015 (GO)- Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta xukun dil ah ku fulisey labo nin oo ku eedeysnaa dilka dhowr qof oo xildhibaanad Saado Cali Warsme kamid tahay.

Labada nin ee maanta la qisaasey oo lagu kala magacaabo Shuceyb Ibraahim Mahdi (27-jir)  iyo Faarax Cali Cabdi (30-jir) waxaa la xukumey April 6, 2015, kaddib markii sida la sheegay ay qirteen in ay ka tirsan yihiin Al-shabaab islamarkaana dileen shan qof oo isugu jirey xildhibaanno iyo saraakiil la shaqeynayey hay'adda nabad-sugidda.

Shanta qof ee lagu soo edeeyey in nimankaasi dileen ayaa kala ah:

  1. Xildhibaanad Saado Cali Warsame.
  2. Xildhibaan Maxamed Maxamuud (Xayd).
  3. Xildhibaan Aadan Maxamed Cali (Madeer).
  4. Axmed Odawaa Baalle, sarkaal ka tirsanaa nabad-sugidda.
  5. Maxamed Axmed Maxamed (Qaanuun), sarkaal ka tirsanaa nabad-sugidda.

Dhowaan ayey ahayd markii Soomaaliya kaalinta siddeedaad ka gashay tirakoob lagu sameeyey wadamada laga fuliyo xukunnada dilka ee ugu badan dunida.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM