Xukun dil ah oo lagu fuliyey niman horay u diley xildhibaanno

Image

May 13, 2015 (GO)- Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta xukun dil ah ku fulisey labo nin oo ku eedeysnaa dilka dhowr qof oo xildhibaanad Saado Cali Warsme kamid tahay.

Labada nin ee maanta la qisaasey oo lagu kala magacaabo Shuceyb Ibraahim Mahdi (27-jir)  iyo Faarax Cali Cabdi (30-jir) waxaa la xukumey April 6, 2015, kaddib markii sida la sheegay ay qirteen in ay ka tirsan yihiin Al-shabaab islamarkaana dileen shan qof oo isugu jirey xildhibaanno iyo saraakiil la shaqeynayey hay'adda nabad-sugidda.

Shanta qof ee lagu soo edeeyey in nimankaasi dileen ayaa kala ah:

  1. Xildhibaanad Saado Cali Warsame.
  2. Xildhibaan Maxamed Maxamuud (Xayd).
  3. Xildhibaan Aadan Maxamed Cali (Madeer).
  4. Axmed Odawaa Baalle, sarkaal ka tirsanaa nabad-sugidda.
  5. Maxamed Axmed Maxamed (Qaanuun), sarkaal ka tirsanaa nabad-sugidda.

Dhowaan ayey ahayd markii Soomaaliya kaalinta siddeedaad ka gashay tirakoob lagu sameeyey wadamada laga fuliyo xukunnada dilka ee ugu badan dunida.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mucaaradka oo Ku Hanjabay Doorasho Haddii Xasan Sheekh Fulin Waayo Baaqooda

War-saxaafadeedku wuxuu xusay in muddada Golaha Shacabka dhamaato 14 April 2026, halka muddada Madaxweynaha ay dhacdo 15 May 2026.

  • Soomaliya

    21-12-2025

  • 11:16AM

War-murtiyeedkii Kismaayo oo diiday wax muddo-kororsi ah, digniina u direy Xasan Shiikh

War-murtiyeedka shirka ayaa si weyn u dhaliilay hoggaanka Dowladda Federaalka, isagoo …

  • Soomaliya

    20-12-2025

  • 06:23PM