Muqdishu: Dab ka kacey suuqa Bakaaraha oo lagu guuleystey in la damiyo

Image

Muqdishu- Dab xalay fiidkii saacada geeska Afrika qabsadey qaybo ka tirsan suuqa Bakaaraha magaalada Muqdishu ayaa lagu guuleystey in la damiyo inta uusan fidin.

Gadiidka Dabdamiska dowlada hoose ee Muqdishu iyo gamacsato ayaa ka qayb qaatey bakhtiinta dabkaan oo qabsadey agaagarka suuqa loo yaqaan KHaliifa.

Saraakiil ka tirsan dowlada hoose Muqdishu oo la hadlay GO ayaa sheegey in dabkaan uu qabsadey habeenkii xalay qaybo horey u gubtey ee suuqa Bakaaraha iyadoo aan la aqoon sababta keentey.

 Suuqa Bakaaraha ayaa waxaa horey qabsadey dabab kala duwan iyadoo sanadkaan gudihiisa marayo labo jeer.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Soo Laabashadii Farmaajo iyo Isbarbardhigga Siyaasadeed ee Muqdisho Ka Curtay

Hadal kooban oo uu jeediyey kadib imaatinkiisa ayuu ku sheegay inuu Muqdisho u yimid…

  • Soomaliya

    13-11-2025

  • 01:44PM

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM