​Muqdishu: Faah faahin weerarka Hotel Naaso-hablood

Image

MUQISHU, Somalia- Rasas xooggan ayaa wali laga maqlayaa gudaha Hotelka Naaso-hablood magaalada Muqdishu, waxaana lagu soo waramayaa inay jiraan khasaaro naf iyo maalba leh oo aad u badan, iyadoo tirada dhimashada la sheegayo inay marayso in kabadan 12 ruux, halka dhaawaco uu aad u badanyahay in kastoo cusbitalka Madiina la gaarsiiyay 10 qof.

Mallayshiyaad lagu qiyaasay ilaa 4 ruux ayaa gudaha u gashay Hotelka Naaso-Hablood, waxaana goobta soo gaaray ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee dowladda Soomaaliya, kuwaas oo hadda ku howlan soo afjaridda kooxahaasi.

Goob jooge ku sugan magaalada Muqdishu, ayaa GO u sheegay in la xiray gabi ahaan waddooyinka soo gala hotelka, waxaana weerarka barbar socda dab ka kacay Kaali Shidaal oo ku taallay nawaaxiga goobta la weeraray.

Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir Cabdifitaax Cumar Xalane oo lahadlay warbahinta dowladda ayaa sheegay in ciidmada NISA ay gudaha u galeen hoteelka, isagoo tilmaamay in si deg deg ah lagu soo afjari doono maleeshiyaadkaasi.

Xaaladda nawaaxiga KM4 ayaa kacsan waxaana gabi ahaan la xiray waddooyinka soo galay iyagoo la arkayo baabuurta gurmadka oo kala guraya dhaawacyada iyo maydadka daadsan hotelka nawaaxigiisa.

Khasaaraha ugu badan, waxaa dhaliyay qarax ka dhacay afaafka hore ee Hotelka sida ay noo xaqiijiyeen goob joogayaal aan la xiriirnay.

01 Jun ayay ahayd markii sidaan oo kale loo weeraray hotel Ambasador ee magaalada Muqdishu, waxaana soo afjariddiisu qaatay in kabadan 12 saacadood.

GAROWEONLINE

Related Articles

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM

Sagaal Soomaali ah oo laga masaafuriyey Mareykanka, loona soo celiyey Soomaaliya

Xaaskiisa ayaa sheegtay in masaafurintiisu ay qoyska ku keentay kala fogaansho, maadaama uu leeyahay laba carruur ah oo ku nool Mareykanka.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 04:51AM