​MUQDISHU: Lix katirsanaa Al Shabaab ah xabsi daa’in lagu xukumay

Image

MUQDISHU, Somalia- Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee dowladda Federaalka Somalia ayaa maanta xukun ku riday Lix nin oo lagu helay inay kamid ahaayeen Kooxda xiriirka la leh Al Qaeda ee Al Shabaab.

Guddoomiyaha Maxkamadda Xasan Cali Nuur Shuute ayaa ku dhawaaqay Xukunka, wuxuuna sheegay in raggan ay kamid ahaayeen Kooxda  Al shabaab, lagana soo qabtey deegaanada maamulka Galmudug.

Isagoo la hadlayay Saxaafadda Muqdishu, ayuu sheegay Shuute in raggan ay ku cadaatay dambiyeedyadii lagu soo eedeeyay, kadib Maxkamaddu ay go'aan ku qaadatay in lagu xukumo mid kasta xukun ciqaabtiisu gaarsiisantahay xabsi daa'in ah.

Gudoomiyaha ayaa xusay in Lixda la xukumay ay kamid ahaayeen 41 Dagaalyahan oo katirsan Al shabaab, kuwaasi oo lagu qabtay Bishii Maarso deegaanada Af-barwaaqo, Dintoow iyo Towfiiq ee Bariga Mudug, kuwaasoo ay soo gudbisay maamulka Galmudug.

Dadka la xukumay, ayaa kala ah; Cabdullaahi Sheekh Xuseen Xassan (27 Jir), Maxamed Aden Khayr (30 Jir),  Ibraahim Xassan Isxaaq (38 Jir), Cumar Xassan Nuur (29 Jir), Maxamed Maxamuud Nor (34 Jir) iyo Maxamuud Macalin (30 Jir).

Maxakamadda waxay horey xukun uguu riday 35 kale, oo kamid ahaa kuwa maanta la xukumay.

Xabsiyada Muqdishu Maxaabiista ku xiran waxaa u badan dhalinyaro lagu eedeeyay inay xiriir la lahaayeen ama katirsanaayeen Kooxda Al shabaab, oo dagaal kula jirta dowladda Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay wiiqayso nidaamka federaalka

Wuxuu intaas ku daray in Puntland ay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka federaalka iyo ka hortagga wax kasta oo lid ku ah. 

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 06:00PM

Dowladda Soomaaliya oo Bandow ku soo Rogtay Baydhabo Kadib Xiisado Siyaasadeed

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Asad Osman Abdullahi, oo maalmahan kulamo la lahaa saraakiisha booliska ee Baydhabo.

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 08:58AM