​MUQDISHU: Murashaxiinta Aqalka Sare oo khudbado jeedinaya

Image

MUQDISHU, Somalia- Murashaxiinta u taagan Xilka Guddoonka Aqalka Sare ee Barlamanka Federaalka Somalia, ayaa iminka jeedinaya khudbadahooda ku aadan jagada ay raadinayaan ee ah Guddoomiyaha iyo labadiisa ku-xigeen.

Munasabadda khudbad jeedinta ayaa si toos ah hadda uga socota xaruntaKMG ah ee Xildhibaanada Aqalka Sare ku leeyihiin magaalada Muqdishu.

Wararka aan ka helayno goobtaas, waxay sheegayaan in jagooyinkaas u taaganyihiin Xildhibaano gaaraya 16 kuwaasoo 14 kamid ah u taaganyihiin Ku-xigeennada Guddoomiyaha.

Guddiga qaban-qaabada doorashada, ayaa goobta jooga iyo xubno kale oo kor joogto ah kuwaasoo la socda howlaha doorashada, waxaana la filayaa in maanta lasoo gaba gabeeyo khudbadaha.

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Barlamanka Somalia, waxaa u taagan murashaxiinta kala ah;

Cabdi Xaashi Cabdullaahi, Xildhibaan hore

Mustafe Maxamed Qodax,  Xog-hayihii hore ee xisbiga mucaaradka ah ee Waddani, Somaliland.

Halka Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ay ku tartamayaan Todobo mudane oo kala ah;

Axmed Xaashi Maxamuud

Abshir Maxamed Maxamuud

Cabdi Axmed Dhuxulow

Cabdirisaaq Cusmaan Cali

Cabdiwaaxid Cilmi cumar

Maxamuud Axmed Maxamuud

Xasan Faarax Xujaale

Sidoo kale waxaa murashaxiin tiradoodu gaarayso 7 kale ay ku tartamayaan Guddoomiyaha Labadaas kuwaasoo magacyadooda lagu sheegay;

Cabdikaafi Macalin Xasan

Fartuun Cabdulqaadir Faarax

Hodan Maxamuud Cusmaan

Iftiin Xasan Baasto

Mowliid Xuseen Guuleed

Osmaan Axmed Maxcow

Sacdiyo Xasan Cusmaan.

Xildhibaanada ayaa khudbadahooda diiradda ku saaray waxqabadka 4 sano ee soo socota, waxayna ballanqaadyo kala duwan ku sheegeen inay jagooyinkaas kasoo bixi doonaan si daacad ah u gudan doonaan waajibaadkooda Qaran haddii EEBBE la garab galo.

Guddiga Qaban-qaabada doorashada ayaa todobaadkii hore shaaciyay in maalinta Barri ah ay dhici doonto doorashada Guddoonka, waxayna noqonaysaa taariikhda markii ugu horaysa ee Somalia ka qabsoonto howshaan oo kale.

GAROWEONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM