MUQDISHU: Qarax baabuur loo adeegsaday oo ka dhacay Wadajir

Image

MUQDISHO, Somalia - Qarax xooggan ayaa goordhow laga maqlay magaalada Muqdishu, ee Caasumadda Somalia, kaasi oo sababay khasaarooyin kala duwan.

Maxamed Xuseen, oo ah Sarkaal Booliska dowladda Somalia katirsan, ayaa u xaqiijiyay Warsidaha GO, in qaraxa uu ahaa mid loo adeegsaday Gaari walxaha qaraxa lagu soo xiray,  oo ku qarxay Xaafadda Xaawo Taawo, ee degmada Wadajir.

Waxa uu sheegay sarkaalka in ciidamada amniga ay ku qabteen Gaariga wadada, kadib markii ay ka shakiyeen. Hal Askari oo katirsan kuwa Miino Baarista ayaa ku dhintay qaraxa xilli uu isku dayay inuu ka furo Gaariga.

Ciidamada ayaa xiray wadada, waxaana lagu soo waramayaa inay jiraan dhaawacyo soo gaarin Askartii ka agdhawayd gaariga. Ma jirto Cid sheegatay Mas'uuliyada qaraxa, balse waxaa loo malaynayaa inay ka dambayso Al shabaab.

Waa qaraxii labaad, oo ciidamada fashiliyaan magaalada Muqdishu, kii hore waxaa lagu weeraray meel ku dhaw dhisamaha Hooyooyinka degmada Xamarweyne, kuna dhaw Madaxtooyada Somalia.

Faah faahin kala soco Garowe Online, wararkeena dambe

GAROWEONLINE

Related Articles

Xog ku saabsan Kulankii Xasan Sheekh iyo Mucaaradka ku yeesheen Villa Somalia

Iyadoo waqtigu si xawli ah ugu socdo doorashada 2026, hoggaamiyeyaasha Soomaaliya waxay wajahayaan caqabado culus.

  • Soomaliya

    21-07-2025

  • 07:32AM

Janan: Eedeysanaha Xadgudubyada Xuquuqda Aadanaha Oo DF U Magacowday Madaxa NISA ee Gedo

Dowladda Federaalka weli kama aysan jawaabin cabashooyinka ka dhashay magacaabista Abdirashiid Janan.

  • Soomaliya

    21-07-2025

  • 06:55AM