​MUQDISHU: Qarax ka dhacay nawaaxiga Xabsiga Godka Jilacow

Image
Image
Image
Image

MUQDISHU, Somalia- Qarax xooggan ayaa goor dhow ka dhacay nawaaxiga Xabsiga weyn ee loo yaqaan Godka Jilacow kaasoo lagu xiro maxaabiista dambiyada adag loo haysto.

Qarax ayaa ka dhashay baabuur walxaha qarxa laga buuxiyay kaasoo la dhigay meherad lagu magacaabo blue sky oo ka agdhow Jeelka.

Khasaaro kala duwan ayaa la sheegaya in weerarkaasi ka dhashay.

Afhayeenka ggobolka Banaadir, ayaa xaqiijiyay geerida Saddex ruux iyo dhaawa saddex kale.

Ciidamo katirsan kuwa ammaanka magaalada Muqdishu, ayaa goobta soo gaaray.

Lama oga halka bartilmaameedu ahaa, balse waxaa loo badinayaa in qaraxu ku wajahnaa Xabsiga.

Majirto ilaa hadda cid sheegatay mas'uuliyadda weerarkaas, balse ururka Al Shabaab ayaa inta badan qaraxyada caynkan ah ka fuliya caasumadda Somalia.

Maamulka gobolka Banaadir ayaa ururkaas ku eedayay mas'uuliyadda Qaraxa

Dadkii ku dhaawacmay weerarkaasi ayaa iminka loo daad guraynayaa goobaha caafimaadka, kadib markii ay yimaadeen baabuurta gurmadka.

Godka Jilacow, ayaa inta badan lagu xiraa dadka loo haysto dambiyada adag, waxaana xabsi amnigiisa aad loo adkeeyay.

Augusto, 2014 ayay ahayd markii mallayshiyaad taabacsan kooxda Al Shabaab weerar ku qaadeen xaruntan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Sacuudiga, Masar iyo Soomaaliya oo ku jira Wadahadallo Ku Saabsan Isbahaysi Ciidan

Mas’uuliyiin ka tirsan Sacuudi Carabiya ayaa cadaadis ku saaray dowladda Soomaaliya in ay xaddido xiriirka ay la leedahay Imaaraadka.

  • Soomaliya

    16-01-2026

  • 06:21PM

Masar iyo Jabuuti oo Mar Kale Xaqiijiyay Taageerada Midnimada iyo Madaxbannaanida Soomaaliya

Wasiirradu waxay sidoo kale muujiyeen taageeradooda hay’adaha sharciyeysan ee dowladda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    16-01-2026

  • 08:05AM