MUQDISHU: Qarax lala beegsaday Hotel SYL [ Sawiro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHU: Qarax ayaa ka dhacey saaka Barqadii Hotel SYL oo kasoo horjeeda xarunta madaxtooyada Somaliya.

Qaraxaan oo loo adeegsadey gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa sida ay wararku sheegayaan.

Lama oga khasaaraha rasmiga balse wararka hordhaca ayaa sheegaya in qaraxaan ku dhinteen Shan qof oo isugu jira shacab iyo Askar.

Hotelka ayaa waxaa ka socdey kulan looga hadlayo arimaha amnig iyadoo wararku sheegayan sidoo kale in dhaawacyo kasoo gaareen wariyeyaal ka tirsan saxaafada ka howlgasha Muqdishu.  

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in qaraxaan uu ku dhaawacmey agaasimaha TV Dowlada. 

Kooxaha soo weerarey ayaa warar aan la xaqiijin sheegayaan dhinaca kale in gudaha u galeen hotelka.

Hotel SYL ayaa weerarkaan yahay midkii sadexaad ee loo gaysto tan iyo intii la dhisey.

Wararka dheraad ah kala soco warsidaha Garowe online.

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM