Muqdishu: Qarax lala beegsadey ciidamada nabad ilaalinta Somalia AMISOM

Image

MUQDISHO, Somalia - Qarax ayaa saakay oo Jimco ah wuxuka dhacay magaalada Muqdishu, ee caasimada dalka Somaliya, kaasi oo lala eegtay kolonyo Gaadid ah oo ay wateen ciidamada AMISOM.

Wararka Warsidaha Garowe Online ka helayo Muqdishu waxay sheegayaan in Miino lagu aasay wadada Warshada lagu weeraray saakay baabuurta gaashaaman ee AMISOM.

Mid kamid ah gaadiidka AMISOM ayaa waxyeello bur-bur ah kasoo gaartay qaraxaan mana la oga khasaaraha gaarey Askarta Midowga Africa ee la socday gaariga ay heleeshay Miinada. 

Goobooje aan magaciisa sababo amni u qariyey magaciisa ayaa sheegay in ciidamada AMISOM rasaas xooggan ku rideen dad shacab ah oo goobta ka agdhowaa, waxyar kadib qaraxa.

Ciidamada AMISOM ayaa la arkay iyagoo goobta ka daabulanaya askar dhaawacan, oo aan tiradooda la sheegin, waxaaa sidoo kale ay jiiteen gaariga burburay. 

Ururka Al shabaab ee dagaalka kula jiro AMISOM iyodo wladda Somalia, ayaa weerarda noocan ah soo kordhiyey xilli la filayo in Bisha November magaalada Muqdishu ka bilowdaan doorashooyinka Somalia.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM