Muqdishu: Qof Kamid ahaa Ergooyinkii Doorashada oo la dilay

Image

MUQDISHU, Somalia - Koox hubaysan, oo aan heebtooda la aqoon ayaa Toogasho ku dilay Oday kamid ahaa Ergada Doorashada xildhibaanada Baarlamaanka cusub ee dalka Soomaaliya.

Qof Goobjooge ah ayaa GO u xaqiijiyay in Odayga oo lagu magacaabi jiray Axmed Dhoore ay ku dileen degmada Hiliwaa ee gobolka Banaadir xilli oo kasoo baxay Masjid uu Salaada Cishaha kusoo tukadey. 

Labo Nin oo bastoolado ku hubaysan ayaa fuliyay Dilka Nabadoon Axmed Dhoore, oo kamid ahaa Ergadii ka qeybgashay Doorashadii Xubnaha  Aqalka hoose, ee maamulka Galmudug, oo ka dhacday Cadaado. 

Ma jiro Cid sheegatay Mas'uuliyada Dilka Allah ha u naxariistee Nabadoon Axmed Dhoore, balse waxaa xusida mudan in dhowr Oday oo Ergada kamid ahaa lagu dilay dhawaan magaalooyin katirsan  dalka. 

Ciidamada Amniga ayaa la sheegay inay goobta dilka tageen, islamarkaana ay fuliyeen howlgal aan qofna lagu soo qaban, maadaama ay kuwa dilka geestay baxsadeen kahor imaanshaha Booliska. 

Al Shabaab ayaa hore wacad ugu maray inay dilayaan Ergada soo xushay Xildhibaanada, si ay u carqaladeeyaan Doorashooyinka Baarlamaanka ee ka dhacay caasumadaha maamul goboledyada dalka.

Talaadadii lasoo dhafaay,  waxaa Muqdishu lagu dhaariyay 284 Xildhibaan, oo isagu jiro Aqallada hoose iyo sare ee Baarlamaanka, kuwaasi oo la filayo inay doortaan Madaxweyne Cusub horaanta January.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Xiisad Cusub: Puntland oo Eedaysay Madaxweyne Xasan Sheekh

Wasaaraddu waxay sheegtay in guddigu uu jadwalkiisa ku daray degmada Galdogob ee gobolka Mudug.

  • Soomaliya

    24-02-2026

  • 11:17AM

Dowladda Soomaaliya oo Maraykanka u soo bandhigtay saldhigyo militari iyo khayraad dabiici ah

Tallaabadan ayaa muujinaysa tartan sii xoogeysanaya oo ku saabsan cidda noqon doonta lammaanaha ugu weyn ee Maraykanka ee Geeska Afrika.

  • Soomaliya

    23-02-2026

  • 01:20PM