​MUQDISHU: Shacabka oo mar kale u banaanbaxay Madaxweyne Farmaajo

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHU, Somalia- Waxaa Muqdishu wali ka soconaya banaanbaxyo ballaaran, oo lagu taageerayo guushii uu Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ka gaarey Doorashadii shalay ka dhacday Caasumadda.

Dadweyne aad u badan, oo Ciidamo, dhalinyaro, Carruur iyo haween ay ku jiraan ayaa isagu soo baxay wadooyinka waaweyn, iyagoo xamaasadaysan oo wata boorar ay ku qoran yihiin Erayo ay ku taageerayaan Farmaajo.

Xalay illaa maanta Muqdishu ayaa ku jirto dabaal-degga Guushii Farmaajo, ee Doorashada Madaxweyne, iyadoo aysan jirin goob ama waddo loo diidayo shacabka, maadaama ay ciidamada qeyb ka yihiin mashxaradaha Mudane Farmaajo lagu taageerayo.

Ciidamada kala duwan ee dowladda Somalia ayaa riday tan iyo xalay rasaas, ay ku muujinayaan sida ay ugu faraxsan yihiin Guusha Farmaajo, oo ay ku xasuustaan bixinta Mushaarkooda 2010-2011.

Magaalooyin badan oo dalka ku yaalla iyo Dibadda, ayaa sidan oo kale looga taageeray Doorashada Farmaajo, oo noqday Madaxweynaha 9-aad, ee dalka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dadka uga mahadceliyay Taageerada ay u muujiyeen, isagoo u balanqaaday inuu ka shaqeyn doono Hormarka dalka, soo celinta amniga, dhaqaalaha iyo wax u qabashada dadka tabaalaysan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Dowladda Federaalka oo siyaasaddeyneysa ilaalinta midnimada Soomaaliya

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale la xiriiray madaxda maamul-goboleedyada…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 10:52PM

UAE iyo Jaamacadda Carabta oo cambaareeyay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland

Golaha Jaamacadda Carabta ayaa fadhi degdeg ah oo aan caadi ahayn oo ay yeesheen kaas…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 09:30PM