​MUQDISHU: Shacabka oo mar kale u banaanbaxay Madaxweyne Farmaajo

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHU, Somalia- Waxaa Muqdishu wali ka soconaya banaanbaxyo ballaaran, oo lagu taageerayo guushii uu Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ka gaarey Doorashadii shalay ka dhacday Caasumadda.

Dadweyne aad u badan, oo Ciidamo, dhalinyaro, Carruur iyo haween ay ku jiraan ayaa isagu soo baxay wadooyinka waaweyn, iyagoo xamaasadaysan oo wata boorar ay ku qoran yihiin Erayo ay ku taageerayaan Farmaajo.

Xalay illaa maanta Muqdishu ayaa ku jirto dabaal-degga Guushii Farmaajo, ee Doorashada Madaxweyne, iyadoo aysan jirin goob ama waddo loo diidayo shacabka, maadaama ay ciidamada qeyb ka yihiin mashxaradaha Mudane Farmaajo lagu taageerayo.

Ciidamada kala duwan ee dowladda Somalia ayaa riday tan iyo xalay rasaas, ay ku muujinayaan sida ay ugu faraxsan yihiin Guusha Farmaajo, oo ay ku xasuustaan bixinta Mushaarkooda 2010-2011.

Magaalooyin badan oo dalka ku yaalla iyo Dibadda, ayaa sidan oo kale looga taageeray Doorashada Farmaajo, oo noqday Madaxweynaha 9-aad, ee dalka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dadka uga mahadceliyay Taageerada ay u muujiyeen, isagoo u balanqaaday inuu ka shaqeyn doono Hormarka dalka, soo celinta amniga, dhaqaalaha iyo wax u qabashada dadka tabaalaysan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM