Muqdishu: Shir ka socda xarunta Xalane

Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHU, Somalia- Kulan heer-caalami ah, oo loogu gogol-xaarayo Shirka 11-ka Bishan May ka furmaya magaalada London, ayaa la filayaa inuu maanta ka furmo Muqdishu.

Safaaradda dowlada UK ee Somalia ayaa soo qaban-qaabisay shirka, waxaana ka qeybgalaya Madaxda dowladda Federaalka, maamul goboleeydayada, diblomaasiyiinta beesha caalamka u fadhiya Somalia.

Ujeedka Kulankan ka dhacay xarunta Xalane, ayaa ah in lagu gorfeeyo qodobada looga hadli doono Shirka caalamiga ah ee London, kaasi oo diiradda lagu saari doono arrimaha ka taagan dalka Somalia.

Wakiilka QM ee Somalia Michael Keating, ayaa sheegay in Kulanka Muqdishu uu yahay tallaabo muhiim ah oo gogol xaar u ah Shirka London, ee la qorsheynayo in Somalia iyo Beesha caalamka ku gaaraan heshiis iska-kaashi heer caalami ah.

Ajandooyinka looga hadli doono Shirka London, waxaa kamid ah Amniga, Abaaraha, dib usoo nooleynta dhaqaalaha dalka, heshiiskii dhisamaha ciidanka qaran, dib u eegista dastuurka iyo doorashada 2020.

Beesha caalamka iyo dowladaha Saaxiibada la ah Somalia ayaa la filayaa inay balan-qaadyo cusub u sameeyaan Madaxda dowladda Federaalka, si ay wax u qabtaan caqabadaha ku hor-gudban dib usoo celinta Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM