​Muqdishu: Taliye ku-xigeenkii hore NISA oo la dhaawacay

Image

MUQDISHU, Somalia - Mallayshiyaad katirsan kooxda Al Shabaab ayaa weerar ku qaaday taliye ku-xigeenkii hore ciidamada nabad sugidda iyo sirdoonka Somalia, xilli uu marayay bartamaha magaalada Muqdishu caasumadda Somalia.

Weerarka ayaa ka dhacay Isgoyska Ceel-Gaabta ee degmada Xamar-jajab, halkaas oo marayay baabuur uu watay General Xasan Dheere.

Sida Goobjooge uu u xaqijiyay GO, weerarka ayaa dhacay markii dablay hubaysan baabuur ku hor-gooyeen Gaagriga uu la socday Xasan Dheere kadibna la huwiyay rasaas.

Wararka waxay sheegayaan in Xasan Dheere uu dhaawac kasoo gaarey falkaas qorshaysnaa, sidoo kale lagu dilay mid kamid ah Askarta ilaalada u ahayd.

Dhaawaciisa oo aad u adag ayaa la dhigay mid kamid ah cusubitaallada Muqdishu halkaas oo lagu dabiibayo.

Kooxda Shabaab ayaa mas'uuliyadda weerarkaas sheegatay iyagoo tilmaamay in qorshuhu ah khaarajinta General Xasan Dheere.

Weerarkaas kadib ayaa sidoo kale Maanta magaalada Muqdishu lagu dilay Afhayeenkii maamulkii hore Ximan iyo Xeeb.

Weeraradan ayaa lagusoo aadiyay maalmo kadib markii uu xilka la wareegay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo la filayo in la caleemo saaro 22 bishan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo Baydhabo kulamo kawada xilli loolan loogu jiro Kursiga Madaxweynaha KG

Dhankooda, odayaasha dhaqanka ayaa Madaxweynaha uga mahadceliyey booqashada iyo dadaallada dowladda.

  • Soomaliya

    05-04-2026

  • 02:30PM

Hay’adda Sirdoonka oo sheegtay in sagaal dagaalyahan oo Al-Shabaab ah la dilay

Howlgalkii labaad ayaa ka dhacay agagaarka Tugaareey, halkaas oo maleeshiyaadku ku dhuumaaleysanayeen kayn.

  • Soomaliya

    04-04-2026

  • 03:07PM