Muqdishu: Wariyaal laga mamnuucay Garoonka Aadan Cadde

Image

MUQDISHU, Somalia- Maareeyaha garoonka diyaaradaha Aadan Cabdulle Cusmaan ee magaalada Muqdishu, ayaa maanta soo saaray amar ka dhan ah bahda warbaahinta ka howl gashay dalka, kuwaasoo muddo 60 maalmood ah lagu wargaliyay inaysan ka fulin shaqooyinka ay uga baahdaan.

Waraaq uu ku saxiixanyahay Gen. Cabdi Ashir Jaamac, ayaa lagu wargaliyay hay'adaha ammaanka iyo ciidamada AMISOM inaan lasii dayn wariyaal aan fasax ka haysan maamulka garoonka.

Waxaa sidoo kale loogu hanjabay ciddii go'aankan ka dhaga adaynta inay la kulmi doonaan xarig iyo in laga mamnuuco soo galitaanka garoonka diyaaradaha Muqdishu.

Lama caddayn sababta rasmiga ah ee arrintaasi ka damabysa iyadoo amarkan uu taabanayo hay'adaha warbaahineed ee gaarka loo leeyahay iyo kuwa dowladda intaba.

Balse, warsidaha Garowe Online, ayaa fahamsan in arrintan lagu caburinayo siyaasiyiinta isu soo taagay hogaanka dalka Somalia, waxaana horay sidaan oo kale loo mamnuucay in Muqdishu lagu qabto isu soo baxyo siyaasadeed.

Waqtigii doorashada ayaa muddo kooban ka hartay, waxaana magaalada Muqdishu ku wajahan murashaxiin badan, kuwaasoo doonayay inay halkaas ka sameeyaan olalahooda doorashada.

Ururka warbaahinta Somaliyeed ee NUSOJ, ayaa durba ka hadlay tallaabadan, wuxuuna cambaareeyay falka maamulka garoonka Muqdishu ku afqabanayo warbaahinta qaybaheeda kala duwan.

War-saxaafadeed kasoo baxay NUSOJ, ayaa sidoo kale lagu sheegay in tallaabadaasi meel ka dhac ku tahay xorriyadda hadalka iyo shaqooyinka warbaahinta, waxayna codsadeen inaan lagu tuman xuquuqda wariyaasha.

Hoos ka akhriso amarka lagu mamnuucay Wariyaasha Muqdishu inay soo galaan garoonka Aadan Cadde

GAROWEONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM