MUQDISHU: Xildhibaan Isku-day Dil ka badbaaday

Image

MUQDISHU, Somalia- Xildhibaan katirsan Baarlamaanka Jamhuuriyada Federaalka Somalia ayaa xalay ka badbaaday Isku-day Dil kadib markii Gaarigiisa qarax lagula eegtay bartamaha magaalada Muqdishu.

Xildhibaan Maxamuud Abukaate iyo labo Askari oo katirsan illaaladiisa ayaa dhaawac fudud kasoo gaarey qaraxa, oo ahaa mid miino oo lagu aasay wado ku taalla meel ku dhaw Carwadii hore ee Taleex ee degmada Hodon.

Labo qof oo shacab ah ayaa sidoo kale ku dhaawacmay weerarka, oo ujeedkiisu ahaa in lagu khaarajiyo Xildhibaanka, sida uu sheegay Capt Maxamed Xuseen oo ah Sarkaal katirsan ciidamada Booliska Somalia.

Ma jirto cid sheegatay Mas'uuliyada qaraxa, balse ciidamada ayaa sameeyay baaritaano ay ku soo qabteen dhowr qof oo goobta ka agdhawaa, kuwaasi oo su'aalo lagu weydiinayo saldhiga degmada Hodon.

Dhanka kale, Koox hubaysan ayaa xalay ku diley degmada Wadajir Askari katirsanaa ciidamada amniga Somalia, kuwaasi oo sidoo kale ka qaatey Qorigiisa, kahor inta aysan goobta ka baxsan.

Al Shabaab ayaa mudooyinkii dambe kordhiyay weeraradooda Muqdishu, oo ay ku beegsanayaan Mas'uuliyiinta dowladda, Odayaasha dhaqanka, iyo Askarta katirsan Hay'adaha amniga dowladda Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Soo Laabashadii Farmaajo iyo Isbarbardhigga Siyaasadeed ee Muqdisho Ka Curtay

Hadal kooban oo uu jeediyey kadib imaatinkiisa ayuu ku sheegay inuu Muqdisho u yimid…

  • Soomaliya

    13-11-2025

  • 01:44PM

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM