Murashax ​Cumar Cabdirashiid oo ka haray tartanka doorashada Somalia

Image

MUQDISHU, Somalia- Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa ku dhawaaqay in uu tanaasulay, kadib markii wareegga labaad uu u soo gudbay.

Xasan Sheekh Maxamuud oo heesta 88 cod, Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo 72 cod, Shariif Sheekh Axmed 49 cod iyo Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo helay 37 cod ayaa u soo gudbay wareegga Labaad.

Balse Cumar ayaa tanaasulay isagoo hadal sarbeeb ah ku tuuray mudanayaasha Barlamanka Somalia, wuxuuna yiri,"Waad garan kartaan guuxeyga meesha uu u socdo”.

Farmaajo, Shariif iyo Xasan ayaa isku arki doona wareegga xiga iyadoo la saadaalinayo inuu soo baxo Ra'isal wasaarihii hore ee Somalia, kaasoo taageero aan la filanayn ku dhex-yeeshay golaha shacabka labada Aqal.

Lama oga cidda kusoo bixi doonta, balse murashaxii hel saddex meelood labo ayaa noqon doona Madaxweynaha Qaranka, hadii ay taas dhici weydo waxaa la aadi doonaa wareeg saddexaad, sida guddoonku horay u sheegay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Muqdisho oo laga dejiyay qalab milatari oo ka yimid Israa'iil

Sida ay sheegayaan isla ilo wareedyadaas, shixnadda waxaa lagu wareejiyay xafiis Qaramada Midoobay ku leeyahay Muqdisho.

  • Soomaliya

    02-07-2026

  • 01:49PM

Mareykanka oo ballanqaaday inuu Soomaaliya ka taageerayo dagaalka argagixisada iyo musuq-maasuqa

Mareykanku wuxuu garab taagan yahay shacabka Soomaaliyeed dagaalka ay kula jiraan argagixisada, musuq-maasuqa.

  • Soomaliya

    02-07-2026

  • 11:58AM