​Murashax Farole oo Muqdishu ka dagay

Image

MUQDISHU, Somalia- Murashaxa Madaxweynaha dowladda Federalka Somalia, Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Maxamud Farole, ayaa goordhaweyd ka dagay magaalada Muqdishu Caasumadda Somalia, halkaasoo ah goobta ay ka dhacayso doorashada Madaxweynaha.

Mas'uuliyiin iyo bulshada ku dhaqan caasumadda Somalia ayaa soo dhaweyn ugu sameeyay Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Farole, ayaa saaka kasoo safray magaalada Nairobi xarunta dalka Kenya, halkaasoo muddo dhowr maalin ah ku sugnaa.

Mar uu saxaafada kula hadlay Caasumadda Somalia, ayuu sheegay inuu in haddii uu ku guuleysto Xilka Madaxweynaha Soomaaliya uu Mideyn doono dalka, sidoo kalena hormar la taaban karo gaarsiin doono Somalia.

"Lacag laaluush ah kuma bixin doono doorashada Xilka Madaxweyne, sababtoo ah waxaan aaminsanahay in Shaqsi lacag ku iibsaday Kursiga, uusan Soomaaliya Hormar gaarsiin karin," Ayuu yiri Mudane Farole.

Socdaalka Cabdiraxmaan Farole, ayaa la xariirta arrimihiisa doorashada, waxaana la filayaa inuu kulamo kala duwan la yeesho qaybaha kala duwan ee bulshada iyo siyaasiyiinta.

Wuxuu sidoo kale tagista Murashaxu kusoo beegantay xilli maanta ay khudbado jeedinayaan mas'uuliyiinta u sharaxan Guddoonka aqalka Sare.

Farole, ayaa ah Xildhibaan kamid ah Aqalka Sare Somalia, waxaana mudanayaasha maalinta bari ah dooran doonaan Guddoonkooda oo ay u sharaxanyihiin 16 qof.

Warkaas oo faah faahsan dib ayaan idiin kasoo sheegi doonaa

GAROWEONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM