​Murashax Zakariye oo tanaasulay

Image

MUQDISHU, Somalia- Murashaxa madaxweynaha Somalia Zakariye Maxamud Xaaji Cabdi, ayaa ku dhawaaqay inuu ka tanaasulay tartanka doorashada xilli uu ku sugnaa hoolka codaynta ku dhacayso.

Zakariye, ayaa tanaasulkiisa u sababeeyay arrimo ay kamid tahay tirada murashaxiinta oo badan iyo rajadiisa ku aadan inuu ku guulaysto booskaas.

"Waxaan halkaan ka caydaynayaa inaan ka haray tartanka doorashada Madaxweynaha, sababaha igu kalifayna, waxaa kamid ah; tirasha murashaxiinta oo badan iyo rajada aan kusoo bixi karo aad u yar," Ayuu yiri murashaxu.

Isagoo sii hadlaya, wuxuu intaas ku daray in farogalin shisheeye oo qaawan lagu hayo tartanka doorashada Madaxweynaha Somalia, taasna ay sabab u tahay inuu tartanka uu ka haro.

"Arrimaha aan u tanaasulay kuma koobna intaan sheegay, waxaa kamid ah Faro galin qaawaan oo shisheeye oo ay samaynayaan dad halkaan jooga,"Sidaas waxaa yiri Zakariye oo ka haray loollanka loogu jiro Madaxweynaha Somalia.

Dhanka kale waxaa hoolka doorashada hadal laga siiyay Madaxweynihii hore Puntland Cabdiraxmaan Farole oo booskan u sharaxnaa kaasoo shalay tartanka isaga haray, wuxuuna cadeeyay inuu ka laabtay loollanki uu ugu jiray booskaas.

21 murashax oo kaliya ayaa booska maanta u tartamaya iyadoo hadda ay bilaabtay codaynta doorashada oo ugu hormaray Guddoomiye Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Calmiskaad ku dilay in ka badan 700 dagaalyahan Ajaanib ah 

Weerarka, oo billowday dabayaaqadii sanadkii hore, ayaa lagu sheegay inuu hoos u dhigay joogitaanka ISIS ee aaggaas ilaa 70%.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 06:50AM

Danjire hore oo Mareykan ah oo ka digay in si degdeg ah loo aqoonsado Somaliland

Danjiruhu wuxuu tilmaamay in Mareykanka uu haysto saddex ikhtiyaar: in uu sii hayo…

  • Soomaliya

    20-08-2025

  • 12:44PM