​Murashaxiin iska diiwaangaliyay Muqdishu [Akhriso]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHU, Somalia- Murashaxiintii ugu badnayd ayaa maanta iska diiwaangalisay xarunta Villa Hargaysa ee ay ku howlgalaan guddiga labada Aqal ee doorashada Madaxweynaha Somalia.

Xubnaha is-diiwaangaliyay ayaa sidoo kale bixiyay lacag gaaraysa 30 KUN oo dollar taasoo ay horay u shardiyeeyeen golaha shacabka Somalia, waxayna shahaadooyin ka qaateen guddiga.

Tallaabadan oo timid kadib markii guddigu soo saareen jadwalkii loo marayay doorashada ayaa waxaa ka harsan maalinta barri ah kama danbaysta diiwaangalitan murashaxiinta Madaxweynaha Somalia.

Waxaa la filayaa in dhawaan ay yeeshaan dood wadaag ah oo ay kusoo bandhigi doonaan waxqabadkooda siyaasadeed hadii xafiiska ugu sareeya dowladda Somalia loo doorto.

08 January, 2017 ayaa lagu wadaa inay dhacdo doorashada Madaxweynaha dalka, waxaana ka harsan wax ka yar 15 bari.

Saan saanta doorashada ayaa laga dareemayaa magaalada Muqdishu oo amnigoodu sii xumaanayo.

Halkan ka akhriso magacyada murashaxiinta doorashada Madaxweynaha Somalia;

1- Shariif Sheekh Axmed

2-Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke

3-  Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Faroole

4-  Xasan Sheekh Maxamuud

5- Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan)

6- Maxamed Cali Ameeriko

7-  Cabdinaasir Maxamed Cabdulle

8- Maxamed Cabdullaahi farmaajo

9-  Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame

10- Jibriil Ibraahim Cabdulle

11- Cali Xaaji Warsame

12- Saciid Cabdullaahi Deni

13- Maxamuud Maxamed Culusow

14- Saciid Ciise Maxamuud

15- Cabdiqaadir Cosoble Cali.

GAROWEONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM