​Murashaxiin u gudbay wareega 2aad iyo tirinta codadka Guddoomiye ku-xigeenka 2aad oo socota

Image
Image

MUQDISHU, Somalia- Waxa soo dhammaatay tirinta codadka doorashada Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Barlamanka Somalia, oo ay ku loolamayeen 6 murashax inkastoo ay ugu cad-cadaayeen Xildhibaan Faarax Cabdulqaadir oo helay 93 cod, Cabdiwali Sheekh Ibrahim Muudeey oo helay 111cod iyo Khadija Maxamed Diriye oo heshay 27 cod.

In ka badan 156 Xildhibaan ayaa ka qeyb-qaadanaysa codbixinta, taasi oo lagu dooranayo ku xigeenka kowaad ee Guddoomiyaha Barlamanka Somalia, iyadoo booskan xubnahaas ku weheliyaan; Jaylaani Nuur Ikar, Khadija Maxamed Diriye, Khalid Macow Abdikadir iyo Saciidd Xuseen Ciid.

Wareegga labaad waxaa usoo baxay saddexda murashax ee ugu codka badan kuwaasoo kala ah;  Cabdiwali Sheekh Ibrahim, Faarax Sheekh Cabdulqaadir iyo Khadija Maxamed Diriye, sida ay ku dhawaaqeen guddiga doorashada Barlamanka.

Xildhibaanada ayaa iminka aaday salaadda Duhur, waxaana socda tirinta codadka Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee golaha shacabka Somalia oo ay u taaganyihiin murashaxiinta kala ah;

Cabdiqaadir Sheekh Cali Baqdaadi (Wasiirkii arrimaha Diinta ee DFS)

Mahad Cabdalla Cawad (Ku xigeenkii 2-aad ee Gudoomiyaha baarlamaankii 9-aad)

Cabdullaahi Godax Barre (Wasiirkii hore ee arrimaha Gudaha)

Burhaan Aaden Cumar

Cabdullaahi Xuseen Cali

Cabdiweli Maxamed Qanyare

Xuseen Cabdi Cilmi

Cilmi Maxamed Nuur

Cabdiraxmaan Aaden Ibraahim

iyo Maryan Axmed Haarun.

Ilaa hadda codadkii la tiriyay, waxaa aad isugu dhow Mudanayaasha kala ah, Cawad, Baqdaadi, Goodax, Burhaan iyo Cabdiraxmaan.

Doorashadan ayaa ka adag middii shalay dhacday ee ay Guddoomiyaha golaha shacbiga dalka, waxaana la filayaa in isla maanta lasoo afmeero codaynta guddoonka Barlamanka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM