Murashaxiinta Madaxweynaha Galmudug oo loo yeeray

Image

CADAADO, Somalia - Guddiga doorashada Madaxweynaha Galmudug ayaa ugu yeeray magaalada Cadaado Murashaxiinta la diiwaangeliyay, maadaama ay soo dhawaatay waqtiga doorashada qabsoomi lahayd.

Wararka ayaa sheegaya in Murashaxiinta loo qabtay muddo 24 saac gudahood iney ku tagaan xafiiska Gudiga doorashada ee degmada Cadaado, si loo siiyo shahaadooyinkooda aqoonsiga murashaxnimo.

Waxaa la filayaa in maalinta Berri ay Murashaxiinta u taagan qabashada xilka Madaxweynaha Galmudug khudbadahooda ka jeediyaan xarunta Barlamaanka maamulkaasi.

Waqtiga doorashada ayaa waxaa ka hartay Afar maalmood oo qura.

Dhanka kale, waxaana wali qabsoomin shirkii lagu heshiisiin lahaa Ahlu Sunna iyo Galmudug, ee qaban-qaabadiisa maalmihii lasoo dhaafay ka socotay Muqdishu, kaasi oo qorshuhu uu ahaa inuu dhaco kahor Doorashada.

Wararka Warsidaha GO uu helayo ayaa sheegaya in sababta dib u dhaca shirka ay tahay in Ahlu Sunna ay shuruudo adag ay ku xirtay Wadahadalka, kuwaasi oo ay kamid yihiin in Doorashada Madaxweynaha Galmudug lagu qabto Dhuusamareeb, in la isku dhafo Baarlamaanka labada dhinac iyo inay helaan Jagada Madaxweyne ku xigeenka.

Waxay sidoo kale Ahlu Sunna codsatay in la bedelo magaca Galmudug, iyo in lacag malaayiin doolar oo magdhaw ah laga siiyo khasaaraha kasoo gaarey dagaalkii ay Al shabaab kula galeen gobolka Galgaduud.

Dowladda Federaalka Somalia ayaa u xilsaartay dhexdhexaadinta labada dhinac wasiirada arrimaha gudaha iyo dibadda Cabdi Faarax Saciid (Juxa) iyo Yuusuf Garaad Cumar.

Dowladdii hore ee Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku guul-daraysatay mudadii afarta sano ee talada ay haysay inay heshiisiiso maamulka Galmudug iyo Ahlu Sunna, oo isku haya awoodda gobollada dhexe.

GAROWEONLINE

Related Articles

Soo Laabashadii Farmaajo iyo Isbarbardhigga Siyaasadeed ee Muqdisho Ka Curtay

Hadal kooban oo uu jeediyey kadib imaatinkiisa ayuu ku sheegay inuu Muqdisho u yimid…

  • Soomaliya

    13-11-2025

  • 01:44PM

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM