Murashaxiinta oo afar qodob ku dalbaday warqad ay direen

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Midowga Murashaxiinta ayaa qoraal ku taariikheysan 9-ka December, 2020 kuna qoran luuqadda English waxay u direen wakiiladda Beesha Caalamka u jooga magaala madaxda Soomaaliya ee Muqdisho.

War-saxaafadeedka ayay ku sharaxeen mowqifkooda ku aadan coddeynta uu waddo Farmaajo, iyaga oo soo bandhigay afar qodob oo ay doonayaan in xal kama dambeys ah laga helo.

Heshiiska doorashooyinka ee September, 2020 ay Muqdisho ku gaareen madaxda dowladda federaalka iyo maamuladda ayay cod dheer ku sheegeen in aysan gabi ahaanba kasoo horjeedin.

"Balse waxaan diidanahay qaabka khaldan ee loo fulinayo iyo talaabooyinka halka dhinac ah ee dowladda federaalka qaadeyso," ayay ku dareen iyaga oo diblumaasiyiinta ku booriyey in aysan " indhaba ka qarsan xaaladda qasan ee dowlada federalka ku hoggaamineyso doorashada dalka".

Murashaxiinta ayaa codsaday; in nidaamka Doorashada ay qeyb ka noqdaan musharixiinta iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare, "si uu u noqdo mid loo dhan yahay".

Sidoo kale, waxay soo jeediyeen in la qaado tallaabo lagu saxayo "khaladaadka dhacay, laguna abuurayo jawi ay ku dhici karto doorasho xor iyo xlaal ah iyo in meel milateriga ka caagan laga dhigo Gobolka Gedo ee dowlada haysato".

Warqadda murashaxiinta ayaa waxay kusoo hagaageysaa iyadda oo khilaafka ka taagan xubnaha guddiyadda doorashooyinka uu u muuqdo mid aan wali la xalin iyadda oo is-mari-waaga uu taagan yahay labadii bilood ee lasoo dhaafay.

Hoos ka akhriso bayaanka

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM