Murashaxiinta ugu cad cad madaxtinimada maamulka G. Dhexe

Image

June 30, 2015 (GO)- Guddiga doorshada maamulka lagu dhisayo magaalada Cadaado ee loo sameynayo gobollada Galguduud iyo Koonfurta Mudug ayaa maanta oo Talaado ah bilaabay qabashada araajida murashaxiinta ka qayb gelaya doorashada.

Doorashada oo sida qorshuhu yahay dhacaysa maalinta Sabtida ee taariikhdu ku beegan tahay July 4, 2015, waxaa ka qayb gelaya ku dhowaad toban murashax oo u kala tartami doona xilalka madaxweynaha iyo madaxweyne ku-xigeenka.


Murashaxiinta ugu cad cad xilka madaxweynaha:

Cabdikariim Xuseen Guuleed: oo horay usoo noqdey wasiirka arrimaha gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa kamid ah murashaxiinta ugu cad cad ee la sadaalinayo inay doorashada kusoo bixi doonaan.

Guuleed ayaa taageero ka haysta Madaxweynaha Dowladda Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud iyo urur siyaasadeedka Damul Jadiid.

Warar hoose oo Garowe Online heshay ayaa tibaaxaya in Cabdikariim Guuleed yahay murashaxa ugu dhaqaalaha xooggan kuwa tartamaya. Wararka ayaa intaas ku daraya in Madaxweyne Xasan Sheekh lacag gaareysa dhowr milyan oo doolar ugu deeqay murashax Guuleed si uu ugu ololeeyo.

Dhanka kale warar is-khilaafsan ayaa kasoo baxaya meesha ay lacagtaasi ka timid, wararka qaar ayaana xusaya in lacagtaasi tahay mushaharaadkii shalqaaha dowladda, gaar ahaan ciidamada.

Inta badan ciidamada Dowladda Federaalka ayaan wax mushahar ah qaadan afartii bilood ee ugu dambeeyey, waxaana la rumeysan yahay in lacagtaas badankeeda lagu kharash gareeyey shirka Cadaado ka socda.

Axmed Cabdisalaam Aadan: waa danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Ethiopia, horayna wuxuu usoo noqday Ra’iisul wasaare ku xigeenkii ahaana wasiirkii hore ee warfaafinta dowladdii kumeel gaarka ahay ee uu hoggaaminayey AHN Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf Axmed.

Siyaasagan ayaa taageero weyn ka haysta wadamada deriska gaar ahaan dalka Ethiopia. Wuxuu sidoo kale taageero fiican ka haystaa beelaha qaar.

Axmed Macallin Fiqi: wuxuu horay usoo noqdey Taliyha Hay'adda Nabad-sugidda Qaranka iyo danjiraha dowladda Soomaaliya u jooga Sudan xilligii dowladdii kumeel gaarka ahayd ee Sheekh Shariif uu madaxweynaha ka ahaa.

Inkastoo aysan cadeyn cidda dabada ka riixeysa murashax Fiqi, waxaa hadana la rumeysan yahay in uu taageero fiican ka haysto Sheekh Shariif iyo xulafadiisa siyaasadda.

Waxaa xusid mudan, in Axmed Fiqi uu dhaqaale badan ku bixiyey dhismaha xarunta uu yeelan doono baarlammaanka dhowaanta lasoo xulay ee maamulka gobollada dhexe.

Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid): waa  madaxweynaha maamulkii hore ee Galmudug, wuxuu sidoo kale qayb ka haaa qab-qableyaashii dagaalka ee sameysmey kadib burburkii dowladdii dhexe ee militeriga ahayd.

Qaybdiid waxaa wata qaar kamid ah beelaha dega gobollada dhexe, inkastoo tageero fiican uusan ka haysan Dowladda Federaalka iyo wadamada deriska ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Walaaca laga muujiyey hufnaanta heshiiska Shidaalka Soomaaliya iyo Turkiga

Turkiga ayaa sheegaya in 10 bilood gudahooda kusii saari doono shidaalka Soomaaliya, iyadoo laga qodoyo dhanka Galmudug state.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:56PM

Turkiga oo Markab Shidaal qodis keenay Xeebaha Soomaaliya xilli uu xiliga waqtiga dawladdu gaba-gabo yahay

Ma jiro weli heshiis loo dhan yahay oo laga gaaray hannaanka doorashada, taas oo dhalisay hubanti la’aan siyaasadeed.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:29PM