Mursal iyo Lafta Gareen oo wadahadal ku yeeshay Baydhabo [Sawirro]

Image
Image
Image
Image

BAYDHABO, Somalia - Gudoomiyaha Gollaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa Baydhabo kula kulmay Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed [Lafta-Gareen].

Kulanka oo ay ka qeybgaleen Odayaasha dhaqanka Koonfur Galbeed ayaa waxaa diiradda lagu saarey arrimaha dib u heshiisiinta iyo xaaladda nabad-gelyo ee degaanada maamulka, oo qeybo kamid ah ay ku sugan yihiin xoogaga Al-Shabaab.

Lafta Gareen ayaa odayaasha codsaday inay la shaqeeyaan maamulkiisa oo aan aan taageero badan ka haysan xilligan shacabka Koonfur Galbeed, kadib markii doorashadii isaga kusoo baxay ee ka dhacday Baydhabo 19-kii December uu dhiig ku daatey.

Madaxweynaha ayaa balan qaaaday in mamulkiisa lagu xanto inuu yahay mid meesha ay geysteen madaxda Villa Somalia uu diyaar u yahay in uu la fariisto cid walba oo tabasho qabta si loo xaliyo deganaanshaha Deegaankana looga wada shaqeeyo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale isna dhawaan Baydhabo kula kulmay Odayaasha dhaqanka Koonfur Galbeed, oo ka dalbaday inay nabadda iyo dib u heshiisinta ka shaqeeyaan.

Madaxweynaha ayaa khudbadii uu ka jeediyay caleema-saarka Lafta Gareen ku sheegay in doorashadii ka dhacday Baydhabo ay ahayd mid si xor iyo xalaal ah u dhacday, isagoo soo hadal qaadin 15-kii qof ee shacabka ahaa ee lagu dilay magaalada iyo xariga Mukhtaar Roobow.

Gudoomiyaha Gollaha Shacabka oo kamid ahaa mas'uuliyiintii kasoo horjeysatay doorashadii Lafta Gareen ayaa sheegay in loo baahan yahay in laga gudbo wixii dhacay, lagana wada shaqeeyo horumarka iyo xasiloonida Koonfur Galbeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cirro: “Danaha Somaliland ayaan u shaqeynayaa, ma aha Falastiin”

Madaxweynaha ayaa xusay in Somaliland ay muddo 35 sano ah raadineysay aqoonsi iyo taageero caalami ah, oo ay ku jiraan dalalka Islaamka.

  • Soomaliya

    01-07-2026

  • 09:11AM

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM