Mursal oo amar dul-dhigay guddiga diyaarinta Sharciga Doorashooyinka

Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Afhayeenka Golaha Shacabka baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta oo Isniin ah la kulmay Guddiga Diyaarinta Sharciga Doorashooyinka Qaranka oo uu Axadii magacaabay.

Kulankan oo ay kasoo qeybgaleen inta badan xubnaha guddigaasi, oo ka kooban 15-xubnood oo laba kamid ah ay haween yihiin, ayaa waxaa ujeedkiisa lagu sheegay dardargelinta howlaga guddigaasi.

Maxamed Mursal Cabdiraxmaan, ayaa sidda laga soo xigtay warbaahinta ku hadasha afka dowladda, waxa uu faray guddigan in ay muddo 60-casho ah kusoo gabagabeeyaan isku dabaridka xeerkaasi.

Sharcigaasi ayaa waxa uu bud-dhig u yahay coddeynta la rajeynayo in ay dalka ka qabsoonto 2020-21, taasi oo la filayo in ay noqoto doorasho ka gedisan kuwii sanadihii lasoo dhaafay waddanka ka qabsoomaya.

Aqalka Hoose ee baarlamaanka Soomaaliya waxaa haatan horyaala Sharci doorasho kaasi oo ay meel-mariyeen Golaha Wasiiradda balse waxaa ka hor-yimid qaar kamid ah dowlad goboleedyadda dalka ka jira.

Ma cadda hadii guddigan oo mid ku meel gaar ah ay diyaarin doonan sharci cusub ama in ay dib u eegis ku sameyn doonan xeerkaasi ay qaadaceen maamuladda.

Dhanka kale, Machadka Daraasaadka Siyaasadda ee Heritage oo cilmi baaris kasoo saarey doorashooyinka 2020-ka ayaa wuxuu soo jeediyay afar nooc doorasho oo waddanka ka qabsoomi karta.

HALKAN HOOSE KA DAAWO DARAASADA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo taageertay in wadahadal lagu xaliyo khilaaf doorasho iyo dastuur 

Qaramada Midoobay ayaa tilmaantay in madashani ay muhiim u tahay xoojinta wadajirka siyaasadeed.

  • Soomaliya

    22-01-2026

  • 12:58PM

Ciidamada dowladda oo dib ula wareegay Kudhaa kadib dagaal culus

Sidoo kale, waxaa la soo bandhigay gaadiid dagaal iyo hub ay ciidamada ka furteen Al-Shabaab, oo katirsan Al-Qaacida.

  • Soomaliya

    22-01-2026

  • 09:40AM