Mursal oo ka baxay Villa Somalia, qoraal-na kasoo saarey Mooshinka Farmaajo

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Afhayeenka Gollaha Shacabka Soomaaliya, Maxamed Mursal Cabdiraxmaan ayaa kasoo guuray hoyga uu ka deganaa Madaxtooyadda ee Villa Uganda, halkaasi oo uu 74-kii saac ee lasoo dhaafay lagu xayiray.

Mursal ayaa la dejiyay hotel ku yaalla nawaaxiga Garoonka diyaaradaha Muqdisho, halkaasi oo la filayo inuu kasii wato shaqadiisa inta uu taagan yahay khilaafka ka dhashay Mooshinka laga keenay Farmaajo.

Dhanka kale, Mursal ayaa soo saarey qoraal wargelin ah oo uu uga hadlay Mooshinka uu qabtey 9-kii bishan, kaasoo ay usoo gudbiyeen 92 Xildhibaan oo katirsan Gollaha Shacabka, kuwaasoo ku eedeeyay Madaxweynaha inuu jebiyay qodobo dastuuri ah.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka ayaa warqadda ku cadeeyay in uu qabtay mooshin waafaqsan Qodobka 92aad, Faqradiisa 1aad iyo 2aad ee Dastuurka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya lana horgayn doono Golaha Shacabka.

Afhayeenka Aqalka Hoose ayaa kala kulmayay madaxda ugu sareysa dowladda cadaadis aad u culus tan iyo markii uu qabtay 9-kii bishaan December Mooshin xilka qaadis oo ka dhan ah Madaxwayne Farmaajo.

Soomaaliya ayaa haatan dhexda uga jirta jahwareer siyaasadeed oo ka dhashay Mooshinka xilka qaadista ee ka dhanka ah Farmaajo, kaasoo kala qeybiyay hogaanka Gollaha Shacabka.

HALKAN KA AKHRI QORAALKA MURSAL:

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM