Mursal oo ka digay qorshaha Villa Somalia uga saareyso Roobow Doorashada KG

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Gudoomiyaha Gollaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Mursal Cabdiraxmaan, oo ka hadlay doorashada maamulka Koonfur Galbeed ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay inay u qabsoonto si xor iyo cadaalad ah.

Mursal oo ka jawaabaya su’aal ku saabsan hadii uu jiro murashax ay dowladdu u dirtsatay doorashadaani ayaa shaaciyay in shaqsi ahaan uusan war ka haynin arrinkaasi, balse haddii ay jirto ay tahay mid aan la aqbali karin.

Gudoomiyaha Aqalka Hoose oo hadalkiisa sii wata ayaa si cad shaaciyy in muwaadinkasta oo Soomaaliyeed oo kasoo jeeda Koonfur Galbeed, uu xaq u leeyahay inuu tartamo, islamarkaana aanu jirin wax ka hor-istaagaya.

Mar si gaar ah wax looga waydiiyay Mukhtaar Roobow Cali [Abuu Mansuur] oo tartamayaasha ku jira ayuu si lamid ah ku nuux-nuux saday inuu tartami karo, isagoo uga digay dowladda Federaalka inay ka hor-istaagto, taasoo keeni karta dhibaato.

“Dowladda ayaa Muqdisho keentay Roobow…Muddo ayuu deganaa xarunta Sirdoonka..Marka ma filayo inay jirto ogaansho la’aan…Isku day kasta oo looga horjoogsanayo doorashada inuu ka qeybgalo waa mid aan dhici karin,” ayuu Mursal yiri xili uu wareysi dhinacyo badan taabanaya siiyay VOA-da laanteeda afka Soomaaliga.

Isagoo sii hadlay ayaa Mursal waxuu si dadban usoo hadal-qaaday ciidamo ay maalmihii u dambeeyay dowladdu u daabuleysay Baydhabo, isagoo xusay in aanan loo baahneyn waqtigan in ciidamo la geeyo Koonfur Galbeed, xilliga kala-guurka ah.

“Kahor iyo kadib, markii uu is-casilay Shariif Xasan, dowlad dhisan baa jirtay…Ciidamo ku filan oo amniga doorashada sugi kara baa jooga Baydhabo..Cidii ciidamo dheeraad ah geysay iyada ayaa lagala xisaabtamayaa,” ayuu yiri Gudoomiye Mursal.

Hadalka Mursal ayaa wuxuu kusoo aadayaa xili xasaasiyad wayn ay ka dhalatay ciidamo laga qaadey Muqdisho oo labadii maalmood ee lasoo dhaafey laga dejiyay Baydhabo, iyadoo doorashada Koonfur Galbeed markii afaraad dib loo dhigay, loona mudeeyay mar kale 19-ka bishan December, 2018.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Axmed Madoobe oo la kulmay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah ee AFRICOM

Dardargelinta howlgallada ka dhanka ah kooxda Khawaarijta si looga sifeeyo deegaannada ay weli ku dhuumaalaystaan.

  • Soomaliya

    09-03-2026

  • 10:18PM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Saxiixay Dastuurka Cusub ee Dalka xilli ay Jirto Diidmo xooggan

Tallaabadan ayaa timid ka dib markii 4-tii Maarso ay baarlamaanku ansixiyeen wax-ka-beddelka dastuurka.

  • Soomaliya

    08-03-2026

  • 08:15PM