Mursal oo ka hadlay kala dirista Guddiga Maaliyada [Dhageyso]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Afhayeenka Gollaha Shacabka ee Baarlaamanka Soomaaliya, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa ka hadlay markii ugu horeysay go’aankii lagu kala Guddi hoosaadka Maaliyadda Aqalk Hoose.

Go’aanka lagu kala eryay Guddiga oo uu ku dhaqaaqay Ku xigeenka koowaad ee Gollaha Cabdiwali Ibraahim Muudey ayaa dhaliyay buuq iyo khilaaf horleh, kaasi oo sababay inay hakad galaan Fadhiyadda caadiga ah ee Gollaha.

Mursal, oo haatan ku sugan dalka Turkiga, halkaasi oo uu wareysi dhinaca Telafoonka ah ku siiyay VOA-da laanteeda Afka Soomaaliga, ayaa diiday inuu cadeeyo mowqifkiisa ku aadan kala dirista Guddiga.

Balse, wuxuu si cad u sheegay in lagu sameyn doono dib u eegis marka uu yimaado caasimada dalka ee Muqdisho, isaga oo carabka ku dhuftay in Gudoonka uu baaris ku sameeyay, natiijada ayuu ka dhawaajiyay in lasoo bandhigayo.

“Hadii xeer-hoosaadka Gollaha uu qabo in gudoonka kala diro karo Guddiga [wuu dhaqan-galayaa], hadii uu kasoo horjeedana [ma ahan sharci],” ayuu Mursal ku jawaabay markii la waydiiyay go’aanka uu ka qaadanayo.

Gudoomiyaha Barlamanka oo wax laga waydiiyay hadal kasoo yeeray wasiirka ciyaaraha oo ahaa inaanu waxba ka bedali karin go’aanka Muudey ayaa ku tilmaamay wax aanan meesha ku jirin.

“Dalka waxaa ka jira sharci...Shaqsi wax go’aan ah ma gaari karo…Marka aniga wax ma go’aan min karo, Gollaha wuxuu ka kooban yahay 276 mudane, iyaga ayaana horgayn doonaa,” ayuu hadalkiisa ku daray.

Ugu dambeyntii, Afhayeenka Gollaha Shacabka ee Baarlaamanka Soomaaliya, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa meesha ka saarey inuu xiriir dhow la leeyahay xukuumadda, islamarkaana uu danaheeda ufulinayo.

“Hay’addaha dowlada way kala madax banaan yihiin…Wararkaasi waa kuwa mala awaal ah,” ayuu ku jawaabay markii la su’aalay waxa ka jira in sababta ay dowlada ugu garab siisay in loo doorto Gudoomiye ay tahay inaanu go’aanadeeda baalmarin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sarkaal Sare oo ka Tirsan Al-Shabaab oo Gacanta lagu Dhigay

Taliyaha Qaybta Koobaad ee AUSSOM, Jackson Kayanja, ayaa ku bogaadiyay ciidamada wadajirka ah guusha ay ka gaareen howlgalkan.

  • Soomaliya

    04-04-2026

  • 12:11PM

Hoobiyeyaal lagu garaacay garoonka Baydhabo xilli uu ka degay Xasan Sheekh

Amniga madaxtooyada Koonfur Galbeed, ayaa la sheegay in ay qeyb ka yihiin ciidamo ka socda dalka Ethiopia.

  • Soomaliya

    03-04-2026

  • 07:44PM