Mursal oo ka horyimid kala dirida Gudiga Maaliyadda, Digniin-na u diray Xukuumada

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - War qoraal ah oo kasoo baxay xafiiska Afhayeenka Gollaha Shacabka, Maxamed Mursal Cabdiraxmaan, ayaa wuxuu kaga hor-yimid kala diristii uu ku xigeenkiisa 1aad ku sameeyay Guddiga hoosaadka Maaliyadda.

Kala dirista Guddigaan oo xiisad xooggan ka dhex-abuurtay Aqalka Hoose ayaa timid markii uu warbixin soo saarey, taasi oo musuq-maasuq baahsan oo ka jira Wasaarada Maaliyadda iyo gobolka Banaadir.

Gudoomiyaha ayaa geesta kale, shaaciyay in warbixintii musuq-maasuqa soo bandhigtay lasoo marsiin doono habraaca saxda ah ee Golluhu leeyahay si loo horkeeno Gollaha, kadibna ay uga munaaqishoodaan.

Ugu dambeyntii, Afhayeenka Aqalka Wakiilada rayidka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ugu baaqay Laanta Fulinta/xukuumadda ee uu hogaamiyo Ra’iisul Wasaare Khayre inay ka dayso Gollaha faragelinta ay ku hayso.

“[Waa] in la dhowraa madax banaanida Gollaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya oo ah Laanta Sharci deinta dalka,” ayaa lagu soo gabagabeeyay War-saxaafadeedka uu Mursal soo saarey.

Tani ayaa kusoo aadaysa xili maalmihii lasoo dhaafay uu Gudoomiyaha Gollaha Shacabka kulamo xasaasi ah uu la yeeshay Madaxda ugu sareysa dalka, gaar ahaan Madaxwayne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Khayre.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM