Mursal oo ku wajahan Baydhabo kadib kulankii Farmaajo iyo Khayre

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Afhayeenka Gollaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, ayaa ku wajahan magaalada Baydhabo ee xarunta KMG Koonfur Galbeed, sida ay GO u xaqiijiyeen dhinacyo kala duwan.

Ujeedka socdaalka Mursal ayaa ku qotoma qaboojinta xiisadda ka dhalatay ciidamada ay dowladda Federaalka ku daad-gureysay magaalada Baydhabo, kadib markii uu Villa Somalia kula kulmay Farmaajo iyo Khayre oo arrimaha ka taagan KG kala hadlay.

Murashaxiin gaaraya Lix ayaa marka laga reebo labo kamid ah oo ay wadato dowladda Federaalka Soomaaliya [Cabdicasiis Lafta-Gareen iyo Xuseen Calool-Kuus], ayaa la filayaa inay ku tartamaan doorashada 19-ka bishan ka dhacaysa Baydhabo.

Doorashadan oo mudo saddex jeer ah dib loo dhigay, ayaa ka dhalatay xiisad xooggan, iyadoo musharixiinta madaxa-banaan ay shaki geliyeen ku kalsoonaanta Guddiga doorashada, waxayna ku baaqeen in la dhiso guddiga la dagaalanka musuq-maasuqa.

Guddiga Doorashadda ayaa dhinacooda waxay ay wajahayaan cadaadis xoogan oo labo wajihi ah, taasi oo kaga imaaneysa dowlada federaalka iyo murashaxiinta, kuwaasoo dhinac kasta uu rabo in danahiisa loo fuliyo.

Booqashadda Mursal ayaa kusoo aadaysay xili Xukuumadda Soomaaliya ay ka shaqeynayso inuu kusoo baxo doorashada mid kamid ah labada musharax ee ay wadato, xilli shacabka iyo siyaasiyiinta degaanka la sheegay inay taageersan yihiin Roobow.

Kulamadda oo kusoo idlaaday iyadda oo aanan waxba laysla meel-dhigin ayaa arrimaha ay isku afgaran waayeen waxaa kamid ah kala diristii Guddiga Maaliyada Gollaha Shacabka, murashaxnimada Roobow iyo waliba ciidamada la geeyay Baydhabo.

Lama oga in marka uu Baydhabo tago ku guuleysan doono in dib loosoo celiyo in ka badan 100 Askari, oo ay dowladdu u daabushay caasimad goboleedka Bay, maalmihii aynu kasoo gudubnay.

Mursal waxaa ku wehlin doona socdaalkiisa Baydhabo sida ay wararku sheegayaan Xilldhibaan iyo Wasiiro Federaalka ah, oo kasoo jeeda Koonfur Galbeed, kuwaasoo xal raadin ah.

Doorashadda Koonfur Galbeed oo qabsatay bogaga hore ee warbaahinta mudooyinkii u dambeeyay ayaa la aaminsan yahay inay Villa Soomaaliya faragelin ku sameynayso, oo hub, dhaqaale iyo ciidan u dirtay Baydhabo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM

Abiy Axmed oo sheegay inuu Xasan Sheekh kala hadlay saddex qodob oo muhiim ah

Abiy Axmed ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh kala hadlay dhaqaalaha, amniga iyo xasilloonida gobolka.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 06:13AM